20 Jir Iyo Legdanka Nolosha

0
Sunday April 09, 2023 - 11:45:27 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 Jir Iyo Legdanka Nolosha

    Caadada Akhriska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caadada Akhriska



Nin labaatan buuxsamay adduun waa legdamayaane

- Salaan Carrabey

"Waxa ay doonayaan in ay caalamka furtaan, iyaga oo ka caajisay in ay buug kala furaan.”

-Nazar Qabani

Farriinteenna isbuucan waxa aynu ku dul-istaagaynnaa caadada akhriska. Akhriska mudnaantiisa iyo midhihiisa halkan kaga hadli maynno, haddii aynu se ka hadli lahayn, waxa aynu odhan lahayn "Iqra/akhri.” Iqra waa risaalada ummadda Nebi Muxammed (NNKHA), waana aayaddii ugu horraysay ee lagu bilawday Qur’aan ka badan toddobaatan kun oo kelmadood.Markii uu Midowga Suufiyayti diray, dayaxgacmeedkoodii ugu horreeyay, waxaa jaahwareer iyo gilgilasho ku timid dadyawgii ku hawlanaa waxbarista iyo barbaarinta ubadka Maraykanka. 

Su’aashii ugu cuslayd ee la isweydiiyay waxa ay ahayd: sidee ayaa ay Midowga Suufiyayti ugu suurtagashay in ay inooga hor maraan hawada sare? Intaas ka dib cilmibaadhisyo gundheer oo la sameeyay, waxaa jawaabtii ka soo baxday ay noqotay: Iskuullada Maraykanku waxa ay ku guuldarraysteen in ay ardaydooda baraan akhriska wanaagsan. 

Raggii masuulka ka ahaa waxbarashadu waxa ay sameeyeen halkudhig adkaynaya in: arday kasta uu xaq u leeyahay in loo diyaariyo dhammaan fursadaha uu ku noqon karo akhriste wanaagsan.

Arrintaasi waxa ay ina tusinaysaa in akhrisku yahay kan ummadaha kala horumariya, kuwa figta sare gaadhaana ay isaga ku tageen halkaas. 



Waxaa kale oo aan kala soo bixi karnaa, si loo gaadho horumar, ilbaxnimo iyo iskufilnaansho, ay tahay in aan jiilasheenna soo kacaya u fududaynno sidii ay u noqon lahaayeen akhristayaal wanaagsan, hadda waa akhristayaal wanaagsan. Haddaba, maaddaama oo ay tahay in akhrisku noqdo wax manhaj-nololeed inoo ah, oo aynaan sina iyo sababna u baajin Karin, waa in aynu samaysannaa caado akhris. Su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay: maandhow, arrimahaas oo dhan fahmay e, bal wax iiga sheeg sida ugu qumman ee aan ku samaysan karo caado akhris?


Sida la tilmaamo caadadu waa dabeecad labaad. In ay caado cusubi ku abuuranto 21 maalmood waa aragti uu soo bandhigay nin lagu magacaabo Maxwell Maltz oo ahaa Dhakhtar qalliinnada sameeya. Maxwell waxa uu sheegay in inta ugu yar ee caado cusubi ku samaysantaa ay tahay 21 cisho. Dhibtu waxa ay noqotay in ay dadku is-hilmaansiiyeen hadalkiisa ah "inta ugu yar…” ayna duuduub u qaateen 21 maalmood. 

Haddii ay shaqayn waydey qaacidadii ahayd in 21 cisho loo baahanyahay si loo abuuro caado cusub, ma sidii midho daray ayaan duuduub ku liqnaa mise waan iska kala shaandhaynaa oo sidii loo bato saxdana u dhaw ayaan raacnaa?


Midha daray haddaan beri

Duuduub ku liqi jiray

Doorkan waxaan hubsanayaa

Dirxi in uu ku hoos jiro

- Macallin Gaarriye


Phillippa Lally cilmibaadhis ay samaysay oo ay ku daabacday joornaalka European Journal of Social Psychology, Waxa Phillippa cilmbaadhistaas uga soo baxay; in caado cusub marka la abuurayo ay qaadato wax ka badan 2 bilood, si kale haddaan u dhahno 66 maalmood.


Si aad u abuurato caado akhris, raac tallaabooyinkan:

1. Rabitaanka iyo doonista xooggani waa kuwa dhaqaajiya hawl kasta oo adag. Lahow oommateed aan sinaba u xidhmin iyo jacayl aad u qabto in aad wax akhrido aadna ka baxdo xerada yar ee kooban ee aad ku jirto.


2. Dooro waqtiga iyo meesha ku habboon. Qof waliba waxa uu leeyahay xilli uu nashaad iyo firfircooni dareemo, si kale haddaan u dhigno, qof kasta waxa uu leeyahay saacad dahabiya (golden hour). Waa saacad mar-la-arag ah, hawshii loo dhaqaaqo qabashadeedana ay si qurux badan ku soo dhammaanayso. Waa saacad ay qofka awooddiisa waxqabad iyo nashaadkiisu aad u sarreeyaan. 

Sidaas awgeed, u dooro saacaddaas dahabiga ah qabashada hawlaha muhiimka ah sida akhriska. Sidaas si la mid ah jaangoo waqti cayiman oo aan guurguurin oo aad caadadan ku bilowdo, kuna sii waddo, tusaale ahaan; salaadda subax ka dib ama salaadda casar ka dib. 

Almuhim, duruuftaada ku xaddid saacaddaasi ta ay kuu noqon karto. Arrinta labaad ee door-roonaanta lihi waa in aad doorato goob cayiman oo aad wax ku akhrido. Tani waxa ay fududaynaysaa in ay maskaxdaada ku daabacanto, oo ay isku xidho goobtan iyo shaqadii lagu qabanayay.


3. Wax fudud ku bilow. Sida la wada dareemi karo hawl kasta oo cusub bilawgeedu waa uu dhib badan yahay. Diyaaraddu xilliga ay ugu argagax badan tahay ee bayloodku dadka faro in ay suumanka xidhaan waa inta ay dhulka ka kacayso ee hawada si fiican u galayso. Akhrisku waa tabta diyaaraddaas oo bilawgiisu waa uu hawl badan yahay, ee tartiibso, taagtaana tallaabso.


Haddaba si aanay bilawgaba naftu uga soo boodin, ku bilow abuurista caadadan, akhrinta buugyare kooban (sida 50/70 warqadood) iwm. Sidaas si la mid ah, dooro mowduuc fudud oo aan feker badan iyo dhiraandhirin badan kaaga baahnayn.


4. Ku bilow mowduuc aad jeceshahay. Sideedaba naftu waa ay u janjeedhsami ogtahay waxa ay jeceshahay, sidaas awgeed, dooro mowduuc aad xiisayso oo aadan akhrintiisa ku dareemin socodka waqtiga. Haddii aad sheekofaneedka jeceshahay iyada ku bilow. Haddii aad Taariikhda jeceshahay iyada ku bilow.

 Marka aan joogno abuurashada caado akhris, waxaa mudan in aan baraarujinno in aysan mudnaan lahayn in qofku akhriyo wax muhiim ah, sababta oo ah yoolka aan xilligan leennahay waa in aan samaysanno caado akhris, taas oo aan rabno in ay nolosheenna qayb ka noqoto. Ku bilow waxa aad jeceshahay (xitaa yuusan faa’iido lahaane) ugu dambaynna gaadh oo dhex muquuro badweynta akhriska, kiisa dheefta leh.


5. Kala jaad ka dhig. Haddii ay jiraan dhawr mowduuc oo aad jeceshahay, marka aad mid buug ka akhrido, mid kale u wareeg. Taasi waxa ay keensanaysaa in buuugba mid kale kuu dhiibo, sidaasna aad akhriska ku dhex gasho.


6. Samayso Maktabaddaada. In aad samaysato Maktabad kuu gaar ah kama dhigna in aad haysato boqollaal buug, diyaariso qol gaar ah, aadna samayso marfash weyn. Waxa aad hayso ku bilow, kuna qanac way kori doontaaye.


Sirtu waa ka dhigashada

Marka aan si kale jirin

- Hadraawi

Wixii aad buug/ kitaab haysato si qurux badan u kala habayso. Marka aad leedahay Maktabaddaas kuu gaarka ah, mar kasta oo aad isha ku dhufato buugta iyo kutubta, waxa ay kugu dhiirrigelinaysaa in aad wax akhrido. Lacagta aad buugta/ kutubta ku iibsataa waa in ay ka badantahay kana xiisayn og tahay ta aad maryaha iyo waxa la midka ah kuu iibsato.


Marka aad sunuud hayso

Waxa suuq mug weyn yaalla

Ha la simin kitaab weeye

- Hadraawi


7. La saaxiib dad wax akhriya. Waxa la dhahaa waxa aad noqonaysaa celceliska shanta qof ee aad la qaadato waqtigaaga ugu badan. Waxaa badan qof inta uu qof wanaagsan ku xidhay isna wanaagsanaaday, ama caksigeeda. Hal su’aal isweydii: saaxiibbadaada kuugu dhowi ma kuugu kaalmaynayaan samaysashada caadadan cusub? Haddii aanay kuugu kaalmaynayn beddel, oo kuwo cusub oo arrintan kuugu kaalmaynaya gasho booskoodii.


8. Akhrisku ha ka mid noqdo hawl-maalmeedkaaga. Yeelo jadwal iyo qorshe akhris. Waa in aad ku dadaashaa joogtayntiisa oo ay culays kugu noqotaa maalinta ku dhaafta adiga oo aan waxba akhriyin. Cuntada miyaad waqti u weydaa?.... haddaba, akhriskana ha u waayin.


9. Dulqaado inta midhuhu ka soo baxayaan. Marka aad badweynta akhriska dhex gashid, si degdeg ah ha u filannin in ay mucjisooyin dhacaan. Ogsoonow in arrimaha muhiimka ahi ay waqti qaataan. Nin ayaa u yimid nin Xakiim ah.

 Waxa uu ninkii weydiiyay ninkii Xakiimka ahaa: waxna waan akhriyaa, welina isbeddel la taaban karo iskama hayee sidee wax u jiraan? Ninkii Xakiimka ahaa hal xabbo oo timir ah ayaa uu u dhiibay ninkii su’aasha weydiiyay, oo uu ku yidhi: cun. 

Ninkii xabbaddii timirta ahayd ayaa uu cunay. Ninkii Xakiimka ahaa ayaa weydiiyay: wax isbeddel ah ma iskaga dareentay xabbaddii timirta ahayd? Ninkii ayaa ku jawaabay: maya. 


Ninkii Xakiimka ahaa ayaa ugu warceliyay: haddaba akhrisku waa sida timirtaas oo hal xabbo iskaga arki maysid markiiba isbeddel jidheed. Halkaas xabbana waxa ay u qabsamaysaa jidhka. 


Akhriskuna waa sidaas, waxa aad akhriyayso adiga shakhsiyaddaada ayuu qorqorayaa, dhaqammo qalloocan oo aad lahayd ayaa toosaya adiga oo aan dareensanayn, habfekerkaaga ayaa isbeddelaya, ilaa ugu dambayn aad noqoto qof ka duwan qofkii hore.


10. Naftaada abaalmari. Marka aad dhammayso akhriska buug, abaalmari naftaada, si ay horay ugu sii socoto wax-akhriska. Maqaayad aad cuntadeeda jeceshahay gee, ama shay ay naftu jeceshahay u iibi. Abaalmarintu waxa ay noqon karta wax kasta oo dheef leh oo wax kuu taraya.


"qofka waxaa qof cadiim ah {weyn} ka dhiga, waa waxa uu akhriyo ee ma aha waxa uu qoro.”

– Gorge Luis

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...