Dabarka anshaxa

0
Sunday April 09, 2023 - 11:32:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabarka anshaxa

    Balse cabsidan waxay anfacaysa bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Balse cabsidan waxay anfacaysa bulshada



Waxaa jiro sadex dabar oo anshaxa qofka dhawra ilaa dabarka ugu danbeeyo la waynaayana qofku anshaxiisa wuu siihaysan xumaantana wuu ka sariigan


1. Dabarka koobad ee qofka anshaxiisa dhawra xumaantana ka celiya ahna kan ugu adag waa iimanka. Qof inta uu leeyahay iiman buuxa way adag tahay inuu xumaan ku dhaco duruufu uma gayn karaan wax uusan iimanka raali ka ahayn waayo duruufaha haysta ooga jirka iyo baahidoda xakamaha uma jari karaan imaanka xoogan si ay ugu dhacaan wax eebe iyo iimanka toosanba aysan raali ka ahayn



2. Dabarkaabaad ee Qofku waa inuu leeyahay ehel celiya ama uu ka cabsado. Tan waxay sahlaysa in qofku isagoon cabsi eebe ka ahayn inuu iska ilaaliyo xumaanta. Waan ogahay cabsida eebe wax ka wayn inuusan jirin cabsi aad uumahi ka cabsan waydayna adoomahiisa aadan ka cabsan eebana waxuu daalacanaya waxa quluubtada ku jira. 

Balse cabsidan waxay anfacaysa bulshada oo waxay ka dhigaysaa bulsho xumaan ka dhawr soon mid cabsi eebe kaga dhawr soon iyo mid cabsi ehelkiisa kaga dhawr soonba


3. Dabarka sadexaad ee waa bulshada. Haday bulshadu tahay mid ka dhawr soon xumaanta wanaaga is farta xumaanta iska reebta wacyigeedu uu dhisan yahay. Waxay noqonaysa bulsho iska qabata qofka gooya dabarka anshaxa bulsho ka gadooda falalka anshax xumada ah. 

Bulshadaas waxay noqonaysa bulsho baraare ku nool jihada ilbaxnimadeedana way toosaysaa.


Qofka marka uu waayo iimanka waxuu waayay aakharadisa markuu ehel qabsado oo wanaaga ku toosiya uu waayana waxa uu waayay dhadhanka nolosha waayo qof aan waxaas ka joog la dhahayn wax dhadhan ah uma lahan nolosha. 

Balse marka ay bulshadu noqon wayso mid xumaanta iska reebto wanaaga is farto bulshadaas iyada ayaa is waysay waxay lumisay jiritaankeedi jihadii ay ilbaxnimadooda ku socotayna jiidka toosan way ka lumaysaa.


Hadaba waxaad is waydiisa soomalida ma dhalin yaro gaar ah ayaa dabarkii anshaxa goysay mise iyada dhan ayaa is waysay. Wax ka xun maleh inaa eeda cidii lahayd laga leexiyo umada soomaliyed waxay noqotay mid aan xumaanta iska reebin qof walba waxuu yiri tayda ayaa la ii xisaabin maalinka qiyaamo culimadi waxay ku ekaaden masaajida. 

Masaajidana waxaa ku soo tukado in cabsi aadane iyo armaa lagu dhaha ma tukado kaas/taas iyo in yar oo toosan kuwaaso salaada kadib masaajidka ku nagaada oo sheekha dhagaysta wacdigiisa salaada kadib.


Waan ogahay in maanta ay fududahay in qofku uu helo sheekh uu cilmi ka qaado oo wacyi galiya tiknoolajida iyo Internet kaba waxay fududeeyen helida waxa aad u baato wacyi aqoon iyo wax yaabaha garaadka kobciya sida wacaalka dhiganayasha iyo sheekoyin farshaxan xeel dheer loogu soo gudbinayo aragtiyo sidoo kale waxay fududeeyen helida xumaanta. 

Intaba qofku waxuu ku raadsan karaa marka uu waxa soo xasuusto. Hadii culimadu aysan masaajida soo dhaafin oo aysan bulshada qaybaheda kala duwan dhax galin way adkaan doonta in la dhiso bulshada kuwa dabarka anshaxa gooyayna la toosiyo waayo nafta uu shaydaanka ku xariiro ee aan toosnayn way ku adag tahay in khayrka ay xasuusato.


Dr cali alwardi ayaa yiri " hadii aad u doonayso inaad ogaato jihada ilbaxnimeed ee bulsho ku socoto iyo masiirkeeda waxaad fiirisa dadka ay hal doorka ka dhigato" umada soomalied maanta waxaa hal door u ah maan gaabkii magacyana waa loo bixiyay sida nabad-doon ugaas suldaan wabar malaaq iwm waxayna ka shaqeeyan hagar daamaynta dadkii hal doorka ka dhigtay ee hogaanka u dhiibtay. 

wax ma garatadii ayaa u talinaysa wax horumar ahna uma haayan yoolkoda ugu wayn ee ay u heelan yahiin waa sidii ay xilka usii hayn lahaayen ama midka ay haayan ku ka sareeya u heli lahayeen kursi ayaana kala qiimo badan umada ay hogaanka u yahiin.


Tiirka kaliya ee taagan waakii culimada isagana wuu liqliqanaya oo waxay ku milmeen siyaasadii iyo qabiilkii.hadii sidaan lagu sii socdo iyagna way burburayaan.


F.G Culimada Aan Ka Halaayo Ma Ahan Kuwa Muuqa Culimeed Leh Ee Waa Culumada Rasmiga ah Ee yar Faro Ku Tiriskana Ah

Nabad Galyo


 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...