Fursadda Nabadeed Ee Dagaalka Laascaanood Waa Biixi Oo Ciidankiisa Oog Keena

0
Sunday April 09, 2023 - 11:22:40 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fursadda Nabadeed Ee Dagaalka Laascaanood Waa Biixi Oo Ciidankiisa Oog Keena

    inuu Biixi ciidamadiisa geeyo meel u dhaxaysa Laascaanood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

inuu Biixi ciidamadiisa geeyo meel u dhaxaysa Laascaanood

Colaadda Laascaanood ka bilaabantay bishii Febraayo 6-deedii ee sannadkan 2023 ilaa haddana socotaa, xal in loo helo daayoo, xataa waan-waan baan muuqan. Alloow noo naga soo qabooji.


Haddaba sida uu sheegay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, md Biixi keliya ayaa awoodeeda leh inuu soo af-jaro colaaddaas. Sidoo kalena isaga ayey ku xidhan yahay inuu sii wadista colaadda iyo dhiigga muslimiinta ee macno darrada u daadanya. Marley-ba isaga ayaa arrin ka go’aa.



Dagaalka Laascaanood, 3 istraatejiyood ayaa u furan md. Biixi inuu qaado, si loo soo af-jaro sida ugu dhakhsaha badan, ta ugu wacanina waa istraatijiyada fursad wacan u leh keenidda joojinta dhiigga dadka, naf-baxa oo is-taaga iyo nabadda oo soo dhowaata. Waana kuwan istraatejiyad kasta iyo maxsuulka mid walba laga fili karaa goonideeda.


Istraatejiyad 1: inuu md Biixi ku adkaysto joogidda ciidamadiisa ee Laascaanood, waa sida uu hadda ku socdo e'.Maxsuulku istraatejiydan laga fili karaa waa dagaalka oo iska socda, riiq dheeraada, maal iyo naf badanina ku baxaan. Sidaasina waa nabadda oo laalanta, dhiig iyo dhaqaale bax joogta ah oo maalin kasta ku socda maamulka Somaliland (SL). Ugu dambayna waa maamulka SL oo hoosta ka duma (implosion) iyo mashruucii gooni-isu-taagga SL oo halkaas ku dhinta.


Istraatejiyad 2: inuu Biixi ciidamadiisa geeyo meel u dhaxaysa Laascaanood iyo Oog. Maxsuulka lag filia karo istraatejiyadan waa dagaalka oo nafis lagu kala qaato, laakiin waxay keeni dhexdhexaadinta labada dhinac oo adkaata, SSC-Khaatumo oo bilawdo dagaal jabhadeed iyo dirir beelaha dhexmarta. Sidaa darteed, istraatejiyaddani nabad keeni mayso, waa isku-dhac joogta ah, waanay adkaan doontaa in maamulka SL dib uga hirgalo gobolka Sool.


Istraatejiyad 3: inuu md Biixi ciidankiisa keeno oog (tuulo Isaaq): Haddii uu doorto istraatejiyadan, waxay keeni xabadda iyo dhimashada oo is-taaga , dhiigga iyo dhaqaale baxa dadka iyo maamulka SL oo joogsada, dhexdhexaadinta iyo nabadaynta oo fursad wacan hela. Khatar yar uun baa jiri karta oo ah in hoggaanka SSC-Khaatumo uu diidmo xooggan kala hor-yimaado dhexdhexaadinta iyo nabadaynta. Waqtiga ayaa se daawayn oo waa laga kula bogsan, insha Allahu. Laakiin dhanka md Biixi waa ku weji-gabax, wax weyn se ma aha; dulqaad iyo samir ayaa lagaga gudbi karaa. Qofna yuu ku naaloon in shacabka Dhulbahante isu soo dhiibaan maamulka SL. SNM ba isuma soo dhiibin Siyaad Barre.


Haddaba, waxa falanqeyntaa kore laga soo dheegan karaa in istraatejiyada 3aad tahay ta keliya ee u furan md. Biixi, si loo badbaadiyo Somaliland, dhiig muslina loo baajiyo, nabadayntuna fursad wacan u hesho. Hadal waa run kama rays.


Ugu dambayn, qofkii haya istraatejiyad kale, iyadoon gabbood laga dhigan heesta qaranka, qaranka iyo gooni-isu-taagga, oo nafta dadka lagu badbaadinayo, dhiig-baxa dhaqaale-na lagu hakinayo, nabadayntana lagu siinayo fursad wacan, ha soo bandhigo. Al-Miidaan waasic.



Wa Billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillaahi Axmed

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...