Maxay Tahay Codbixinta Shah Rukh Khan Kaga Adkaaday Lionel Messi?
"Codbixintan, waxa uu kaga adkaaday shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Lionel Messi, Amiirka Britain"
Jilaaga caanka ah ee
Shah Rukh Khan ayaa kaalinta 1-aad ka galay codbixinta 100-ka qof ee ugu
saameynta badan majaladda Time.
Codbixintan, waxa uu
kaga adkaaday shakhsiyaadka ay ka midka yihiin Lionel Messi, Amiirka Britain ee
amiir Harry iyo Princess Meghan Markle, Michelle Yeoh iyo madaxa shirkadda Meta
Mark Zuckerberg.
Wargeyska Time ayaa
sahankan ka dhex samayay akhristayaashiisa iyada oo la weydiiyay shakhsiyaadka
ugu saamaynta badan sannadkan. Codeynta, Shah Rukh Khan wuxuu helay boqolkiiba
afar tirada guud ee codadka dhiibatay.
Shahrukh Khan filimkisa
uu dhawaan soo saaray ee Pathan ayaa noqday mid si weyn u hirgalay oo loo
daawaday Waxa uuna soo xareeyay lacag badan.
Loading...
Loading...