Wasiirka Arimaha Dibada Finland Oo Muqdisho Ka Degay

0
Saturday April 08, 2023 - 18:24:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arimaha Dibada Finland Oo Muqdisho Ka Degay

    "In Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"In Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya"

 



Muqidisho (HWN)  Wasiirka Arimaha Dibada Dawlada Somaliya Abshir Cumar Jaamac  ayaa Caasimada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Finland Pekka Haavisto.

 

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya & Finland ayaa kawada hadlay sidii Xukuumadda Muqdisho ay taageero uga heli lahayd dhiggeeda Helsinki gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ & xoojinta xiriirka labada waddan.

 

Wasiirka  Arrimaha Dibadda Xukuumada Fadaraalka Somaliya ayaa sheegay in Booqashada dhiggiisa Finland Pekka Haavisto ay muujineyso sida uu u xooggeysanayo cilaaqaadka labada waddan maadaama Safaaradda Dalkaas ay ka furan tahay Muqdisho.

 

"Horay ayay Finland Dalka u joogtay, Safaaradna way ku leeyihiin, Mashaariic badan oo ay naga caawiyaan oo ay ka shaqeeyaan way jirtaa, wafdigaan muhiimad gaar ah buu u leeyahay, In Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya taasi waxa ay sii xoojneysaa Iskaashiga naga dhaxeeya” Wasiirka Arrimaha Dibada XFS.

 

Abshir Haruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa dhanka kale sheegay in Finland ay qayb ka tahay dalalka u diyaarsan in dhinacyada Ammaanka, Caafimaadka & kobcinta khibradaha howlaha kala duwan ka caawiyaan Soomaaliya.

 

Muqdisho waxaa kusoo qulqulaya wufuud kala duwan oo qiimeynaya howlaha shaqo ee Dowladda Federaalka, Safaaradaha dalalkaas ay ku leeyihiin Soomaaliya & in ay doorkooda ka qaataan howlgallada Dowladdu qorsheysay ee ka dhanka ah ‘AS’.


Loading...
Loading...