Maxaa Isku Soo Beegay Dagaalka Laascanood & Sheekada Irir-samaale Ee Ka Socota SLAND?

0
Saturday April 08, 2023 - 11:43:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Isku Soo Beegay Dagaalka Laascanood & Sheekada Irir-samaale Ee Ka Socota SLAND?

    "Waxaa la is waydiinayaa in la yidhaahdo abtirsiin ayaynu wadaagnaa kii 33 sanno aynu lahayn waa cadowgeena"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaa la is waydiinayaa in la yidhaahdo abtirsiin ayaynu wadaagnaa kii 33 sanno aynu lahayn waa cadowgeena"



 

Hargaysa (HWN) Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay wafdi ka socda Somaliya oo maalmihii ugu dambeeyay socdaal ku marayay gobolada Somaliland wafdigaasi oo sheegay inay yihiin Irir-samaale.

 

Xildhibaanka ayaana su’aal iska waydiiyay faa’iidada ugu jirta Somaliland Irir-samaale, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay xildhibaanku:-

 

"Malmahan waxaynu arkaynay wax loogu yeedhayay Irir Samaale oo wareegayay Gobolada Somaliland oo dhawaan shaqsiyaad koobani  ka soo wal-daafisay Magaalada Muqdisho, taas oo xigmada ama macnaha ka dambaysay yahay itaal daro siyaasadeed oo weyn oo soo wajahday qadiyadii Somaliland ay soo wadday muddo 33 sanno ka dib ah.

 

Waxaa la is waydiinayaa in la yidhaahdo abtirsiin ayaynu wadaagnaa kii 33 sanno aynu lahayn waa cadowgeena oo wuxuu inaga mudan yahay kii Somaliland aynu wada lahayn, taasi manay ahayn ambad Siyaasiya oo keeni kara in 33 sanno oo kale dib loo tiriyo.

 

Markay sidaas tahay, maxaa faa’id ku jirta in abtirsiin aydaan qadiyad ama dhul ku wadaagin ay kuu tahay, maxaase isku soo beegay dagaalka ka socda Magaalada Laascanood iyo arintan  dhawrka islaamood iyo yar-yar-ka lagu wad-waddo gudaha Somaliland, manay dhafoor taabasho ahayn kaad leedahay Somaliland ayaynu wada leenahay inaad tusto cadaawad kale oo xuduud talaabsi ah.”


Loading...
Loading...