" Waxaan boogaadinayaa in khilaafka Golaha Deegaanka Burco aanu ahayn mid qabyaalad ku salaysan. "
Baaq ku socda Golaha Deegaanka Burco!
Mudanayaal, waxaa muuqata in uu jiro ismaandhaaf soo shaacbaxay oo dhexdiinna ah,
Waxaad ogtihiin in aad la idiinku hanweynyahay,
Ha ka hoos dhicina meesha la idinka filayo!
Waxaan idinkula talinayaa in hannaanka xal uhelidda khilaafka Golaha aad u martaan Qaabka ugu habboon uguna turxaanta yar.
Waxaad ka bilowdaan in aad talo-gelisaan waayeelka iyo waxgaradka Burco si aad uga heshaan talo iyo kalsooni.
Waxaan boogaadinayaa in khilaafka Golaha Deegaanka Burco aanu ahayn mid qabyaalad ku salaysan.
Ogaada, mudo xileedkii ay ahayd in aad Burco horumarkeeda ka shaqaysaan 40% ayaa idinka dhammaaday.
Talada ugu danbaysa: warbaahinta aad u yareeya hana gole keenina warka aan waxtarka u lahayn bulshada idin dhawraysa ama dhexdiinna kala fogaynaya.
Astaamaha Madaxnimada:
- Dulqaad
- Daacnimo
- Deeq
- Dad iskuwad
Is-afgarad iyo tawfiiq ayaan idiin rejaynaynnaa.
Aqoonyahan - Cabdirashiid Baaxeer .
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!