Maxay Itoobiya U Baabi'in Rabtaa Ciidamada Gaarka Ah Ee Deegaannada?
Dowladda Itoobiya ayaa
shaacisay qorshe ay meesha uga saarayso dhammaan ciidamada gaarka ah ee ay
leeyihiin dowlad deegaannada dalkaas, kuwaas oo lagu dari doono ciidanka
qaranka ama booliska heer federaal iyo heer gobol.
Xafiiska warfaafinta ee
dowladda Itoobiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiiska Facebook ku sheegay in
askarta ka tirsan ciidamada gaarka ah ay "ku biiri karaan qeybaha kala duwan ee
ciidamada heer federaal”.
Xukuumadda Addis Ababa
ayaa beenisay in tallaabada lagu beegsanayo ciidamada gaarka ah ee Amxaarada oo
saacado ka hor inta aan warka la shaacin uu dagaal dhexmaray ciidamada qaranka.
Deegaannada Amxaarada
ayaa u muuqday mid ka fogaanaya xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Abiy
Axmed tan iyo markii la saxiixay heshiiskii lagu soo afjaray colaadda Tigray
bishii November 2022.
Deegaannada Amxaarada
iyo Tigray ayaa si weyn ugu dagaallamay qeybo kamid ah Waqooyiga Itoobiya intii
uu socday dagaalka ay ku dhinteen kumannaanka qof.
Xisbiga mucaaradka ah
ee Dhaq-dhaqaaqa Amxaarada (Nama) ayaa ku eedeeyay xukuumadda Addis Ababa in
qorshaha dib u habeynta ciidamada ay shaacisay iyadoo aan "loo diyaargaroobin”.
Heshiiska Pretoria ay
ku gaareen xooggaga Tigray iyo xukuumadda Addis Ababa ayaa dhigaya in hub ka
dhigis lagu sameeyo dagaalyahannada TPLF, qodobkaas oo ay dowladda sheegtay in
si buuxda loo dhaqangeliyay.
Maxay
uga dhigan tahay Deegaanka Soomaalida?
Ciidamada gaarka ah ee
Liyuu Booliska Deegaanka Soomaalida ayaa qabta hawlo kala duwan oo ay kamid
tahay ilaalinta xuduudaha.
Bishii July 2022,
guutooyin ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Deegaanka Soomaalida,
waxaana markii dambe jabiyay Liyuu Booliska deegaankaas oo dib ugu soo celiyay
gudaha Soomaaliya.
Xirsi Cabdiqaadir
Maxamed (Xirsi Neero) oo xildhibaan mar ka ahaa baarlamaanka Deegaanka
Soomaalida, kana faallooda arrimaha Itoobiya, ayaa qaba in dhibaatooyin ay
xukuumada Addis Ababa kala kulantay ciidamada gaarka ah awgood ay keentay in
xilligan meesha laga saaro.
"Ciidamada gaarka ah ee
Tigray ayaa la dagaallamay dowladda federaalka, waxaana ay xukuumadda Abiy
garawsatay dhibaatada uga iman karta xooggaga u gaarka ah Deegaannada. Xisbiga
talada haya waa mid doonaya in uu Itoobiya ku xukumo awood urursan, waana
sababta uu meesha uga saarayo ciidan kasta oo caqabad ku ah ciidamada qaranka
ee ka amar qaata Addis Ababa,” ayuu yiri Xirsi Neero.
Waxa uu ku doodaya in
xukuumadaha deegaannada oo ay kamid tahay tan Soomaalida aanay soo dhaweyn
doonin go’aanka Addis Ababa.
"Deegaannadu ma
doonayaan in la baabi‘iyo ciidamada gaarka u ah. Tusaale ahaan, Deegaanka
Soomaalida maadaama uu luuqad ahaan ka duwan yahay dalka intiisa kale,
ciidamada federaalka na horay loogu eedeeyay in ay tacadiyo ka geysteen
dhulkan, waxaa adkaanaysa in shacabka ay soo dhaweeyaan ciidan aanay luuqad
ahaan is fahmi karin,” ayuu tilmaamay Xirsi Neero.
Xildhibaanka hore ayaa
sheegay in halkii laga baabi’in lahaa ciidamada Liyu booliska Deegaaanka
Soomaalida ay wanaagsan tahay in tiradooda la dhimo, isla markaana lagu hayo
xeryo gaar ah si loo adeegsado marka loo baahdo.
Xafiiska warfaafinta ee
dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada qaranka ay la wareegi doonaan
amniga dalka marka uu bilowday hannaanka hub ka dhigista ciidamada gaarka u ah
deegaannada.
Dadka ka faallooda
arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in dowlad deegaannada ay u arki karaan
tallaabada ay qaaday xukuumadda Abiy mid lagu wiiqayo is maamulkooda, taasina
ay horseedi karto xasarad horleh.
BBC