Mucaaradka Kenya Oo Dalbadey In Dibu Eegis Lagu Sameeyo Dastuurka

0
Friday April 07, 2023 - 12:18:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaradka Kenya Oo Dalbadey In Dibu Eegis Lagu Sameeyo Dastuurka

    "Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada"

 



Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio, ayaa doonaya in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka ee 13-sano jirsaday, si ay qeyb uga noqoto wada xaajoodka ay soo jeedinayaan, ee ay la yeelanayaan dowladda, si loo soo afjaro dibadbaxyada ka socda dalka.

 

Bayaan uu soo saaray hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, kadib kulan uu la qaatay kooxda baarlamaanka ee Azimio, ayaa sheegay in ay ku dari doonaan dib u eegista dastuurka "si meesha loogga saaro hanaankii ugu dambeeyay ee madaxweynenimada, taasoo noqotay boqortooyo ".

 

Bishii Febraayo, madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, ayaa si weyn looggu dhaleeceeyay inuu yiri dowladdu waxay la mid tahay shirkad leh saamiyo, taasoo qaar ka mid ah ay ku leeyihiin saamiyo badan, qaarna aysan jirin.

 

Intaa ka dib, ayaa wuxuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Kenya, in hadalkiisa uula jeeday magacaabista xukuumadda, oo uu tilmaamay inay tahay in la siiyo dadka taageersan ajandayaasha madaxweynaha, balse aan la siin hantida qaranka, oo uu sheegay in si siman loo qaybsanayo.

 

Odinga ayaa tan iyo 20-kii bishii March waday mudaaharaadyo todobaadkiiba mar la qabto, oo loogga soo horjeedo qiimaha maciishada, iyo in lagala tashado magacaabista guddiga cusub ee doorashada.

 

Waxa kale oo uu su’aal ka keenay sharcinimada Madaxweyne William Ruto oo la doortay sannadkii hore, isla markaana doorashadiisa ay ansixisay Maxkamadda Sare.

 

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay dibadbaxyada, waxaa burburay goobo ganacsi, iyadoo la jajabiyey hanti gaar ah, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Nairobi iyo Kisumu.

 

BBC



Loading...
Loading...