Puntland: "Dawlada Somaliya Waa Inay Raaligelin Siisaa Garaadada"
WAR-SAXAAFADEED
Magacaabis la yaab leh
In kabadan labo bilood waxaa magaalada
Laascaanood ka socda dagaal xasuuq ah oo ay ciidamada Somaliland doonayaan in
ay Gooni-goosad khasab ah ku meel mariyaan.
Colaadda Laascaanood
ayaa keentay barakaca in ka badan 200 (labo boqol oo kun oo shacab), Dhimasho,
Dhaawac iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.
Baahida ugu weyn ee
maanta Laascaanood ka jirtaa waa sidii gurmad deg deg ah oo bini’aadantinimo
loo gaarsiin lahaa dadka Colaaddu
waxyeelaysay, ciidamada duulaanka ahna magaalada looga dulqaadi lahaa.
Waxaa la yaab noqotay
in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu si lama filaan ah 01 April 2023
Cabdikariin Xuseen Guuleed ugu magacaabo waxa uu ugu yeeray "Ergayga wada
hadalada Somaliland”.
Haddaba, sidee loo
akhrin karaa, maxayse ka dhigantahay magacaabidda Cabdikariin Guuleed?
1) Waxaa loo akhrin
karaa marin-habaabin qorshaysan oo lagu deg degay si indhaha dadka Soomaalida
ah iyo kuwa Beesha Caalamkaba looga jeedinayo Colaadda iyo xasuuqa dadka Reer
Laascaanood, culayskana looga dulqaadayo Muuse Biixi iyo gabood falkiisa.
2) Dhayalsi iyo hoos u
dhig baaxadda culayska mushkiladda maanta Laascaanood ka taagan iyo gudasho
la’aanta waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee difaacda shacabka Gobolka Sool.
3) Waxay muujiinaysaa
wewel iyo shaki in aan Dowladda Federaalka
ahi garsoore iyo dhex-dhexaad ka noqon karin colaadda Laascaanood iyo qadiyadda
la isku hayo, madaama ay aragti gaar ah ka leedahay in Gobolada Sool iyo Sanaag
ay qayb ka yihiin Somaliland, sida ka muuqata qoraalka magacaabista. Arrintaani
waxay dhinac marsantahay tabashooyinkii dheeraa ee dadka Reer Sool iyo
go’aankoodi ay ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn Somaliland.
Waxay kaloo dhinac
marsan tahay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay Puntland wax ka dhisteen oo Dastuur
ahaan iyo wax qaybsi ahaanba uga midyihiin.
Haddaba, waxaan ugu
baaqaynaa xukuumadda Dowladda Federaalka ah in aysan dhinac u xaglin ugana
darin xaaladda murugsan ee ka taagan magaalada Laascaanood iyo Gobolada SSC.
4) Hadalada dhiilada
leh ee kasoo yeeraya qaar ka mid ah Madaxda sare ee Dawladda Federaalka ah iyo
eedaynta gardarrada ah ee dusha laga saarayo hoggaanka dhaqanka Gobolada SSC
inay iyagu ka dambeeyaan dhibtaada Laascaanood waa in la joojiyaa, raali
gelinna laga bixiyo.
5) Dowladda Puntland
waxay ugu baaqaysaa xukuumadda Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo Gobolka
Sool si nabad loo helo, dadka Reer SSC-na loo ogolaado in ay aayahooda go’aan
ka gaaraan iyagoo xor ah.
6) Waxaan ugu baaqaynaa
dadka soomaalida ah, gaar ahaan shacabka Reer Puntland iyo Beesha caalamkaba in
ay laban-laabaan gurmadka iyo dadaalada bini’aadantinomo ee lagu garab isataayo
dadka ku wax yeeloobay colaadda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos taga
ee Gobolka Sool.
Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta
iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.