Macron Oo Ku Booriyey In Shiinuhu Ay Ku Cadaadiyaan Ruushka Inuu Bilaabo Wadahadal Nabadeed
Madaxweynaha
Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhiirigeliyey madaxweynaha Shiinaha Xi
Jinping, isaga oo isticmaalaya xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya dalka
Ruushka, inuu gacan ka geysto soo afjaridda dagaalka Ruushka ee Ukraine.
Macron oo ku sugan
Shiinaha ayaa madaxweyne Xi Jinping u sheegay in gardarrada Ruushka ee Ukraine
inay waxyeello u geystay xasiloonida caalamka.
"Waan ogahay inaan
ku kalsoonaan karo inaad Ruushka ku soo celin karto inuu si saxan u fekero, iyo
weliba in qof waliba uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka" ayuu yidhi
Macron.
Madaxweynaha Shiinaha
oo hareer taagan madaxweynaha Faransiiska, ayaa u sheegay saxafiyiinta in
"iyaga iyo Faransiisku, ay ku baaqayaan is xakamayn iyo caqliyad" in
lagu xalliyo colaadda socotay 14-ka bilood, isaga oo intaas ku daray in
Shiinuhu uu raadinayey "in si degdeg ah loogo soo laabto wadahadaladii
nabadeed si loo xalliyo xiisadda siyaasadeed"
Hoggaamiyaha Shiinaha
ayaa sheegay in xukuumaddiisu "ay ku baaqayso in la ilaaliyo dadka rayidka
ah. Inaan marna la isticmaalin hubka nukliyeerka, isla markaana laga fogaado
inuu qarxo dagaal la isu adeegsado hubka nukliyeerku.
VOA