Itoobiya Oo Burburineysa Ciidamada Gaarka Ah Ee Maamul Goboleedyada

0
Friday April 07, 2023 - 10:51:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Burburineysa Ciidamada Gaarka Ah Ee Maamul Goboleedyada

    "Dowladdu waxay dejisay jihayn lagu dhisayo hal ciidan oo awood leh"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dowladdu waxay dejisay jihayn lagu dhisayo hal ciidan oo awood leh"



Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in ay doonayso in dhammaan ciidamada gaarka ah ee is-maamullada ay ku kala dareyso midkood ciidamada qaranka ee militriga, kuwa federaalka ama kuwa booliiska ee gobollada, tallaabadaas oo ay u badan tahay in loo arko isku day lagu dhimayo madax-bannaanida gobollo gaar ah.

 

"Dowladdu waxay dejisay jihayn lagu dhisayo hal ciidan oo awood leh...waxay billowday tillaabooyin wax ku ool ah oo u oggolaanaya ciidamada gaarka ah ee gobol walba in lagu kala daro ciidamada kala duwan ee amniga," ayay dowladdu ku tiri hadal ay soo saartay.

 

Itoobiya waxay ka kooban tahay 10 gobol oo leh heer madax-bannaani udhexeeysa iyo inay yeeshaan ciidan gobol oo iyaga u gaar ah iyo xuquuqda adeegsiga luuqadooda.

 

Saacado kahor inta aan lagu dhawaaqin go'aanka dowladda, warbaahinta gudaha ee gobolka Axmaarada oo ah gobolka labaad ee ugu wayn dalka Itoobiya ayaa sheegay in iska hor imaad dhexmaray ciidamada heer qaran iyo heer deegaan, ka dib markii cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada ay diideen in ay hubka wareejiyaan, taasoo qayb ka ah isku dhafka ciidamada.

 

Gizachew Muluneh, afhayeenka gobolka Axmaarada ayaan isla markiiba ka jawaabin codsiyada faah-faahin dheeraad ah oo ku aabsan arrintan.

 

Warbixin ay soo saartay dawladdu waxay ku xaqiijisay inay xiisadi ka dhalatay gobolka Axmaarada, balse waxay ku eedaysay khaladka fahamka siyaasadda iyo kooxaha darafyada ah ee ka tirsan ciidamada gobolka.

 

Ciidamada Axmaarada ayaa taageeray xoogaggii federaalka ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo kasoo horjeeday xoogaga kacdoonka waday Waqooyiga Tigray, markii uu dagaalku ka qarxay halkaas 2020-kii.


Loading...
Loading...