Maxaa ina dhigay halkan ?
Oday Reer Miyi Ah Ayaa Magaalada U Yimid Sidii Uu U Iibin Lahaa Labo Laxaad Oo Uu Lahaa Ayga Oo Saarnaa Halka Danbe Ee Gaadhiga Lagu Soo Qaaday. Nasiib Daro Markii Uu Magalada Soo Gaadhay Waxaa Helay Labo Tuug Oo Khatar Ah Wexeyna U Kuur Galeen (Dadaal Ah) Iney Farsameeyaan Odaeygaan Iyo Labadiisa Laxoodba
Ugu Danbenyii Wey Ku Guulesteen Asaga Oo Aan War Ka Heyn Ayaa Inyar Kadib Waxaa U Yimid Mid Ka Mid Ah Tuugtii Oo Warestay U Jeedka Uu Magalada U Yimid Tuuggu Isaga Oo Iskagaga Dhigaaya Qof Aan Waxaba Ogeen Ayuu U Tilmaamay In Aanu Wadan Labo Laxood!.
Waxa Uu Tuugu Yidhaa Bal Intaas Oo Kaaga Hadhaan Halka Danbee Dib Ugu Noqo Aniguna Aan Kuu Sii Hayo Dameerkee Wuu Iska Soo Laabtay Asaga Oo Fara Maran Hadana Dameerkii Waa La Kexestay!.Odagii Asaga Oo Murugeysan Ayuu Dul Tagay Ceel Waxa Uuna Arkay Nin Ooyaaya!.Waxa Uuna Weydiiyay Su ‘Aal Ah Maxaa Ku Helay.?
Waxa Uu Yidhi: Waxaa Igaga Dhexdhacay Ceelka Boorsadii Lacagta! Waxaanan Siinayaa Kala Badh Lacagta Qofkii Iiga Soo Saaraa Ninkii Odaga Ahaa Farxad Oo Imiseay Ahayd?
Wuu Xisaabiyay Waxaana U Soo Baxday Lacag Ka Badan Intii Uu Rabay. Waxa Uu U Sheegay Inuu Ku Dhex Dhacaayo Soona Qaadi Doono Balse Uu Isna Balanka Oofinaayo Dharkii Ayuu Sii Dhigtay Wuuna Ku Dhex Dhacay Mudo Saacada Ah Kadib Ayuu Ka Soo Baxay Asaga Oo Aan Waxaba Sidin Oo Waayay Lacagtii Balse Maba Joogin Ninkii! Dharkii Uu Sii Dhigtayna Maba Yaalaan Goobta
Waa Yaab Ka Yaabkiis Kaliya Waxaa Ku Soo Hadhay Odagii Dharkii Uu Hoosta Ka Watay Kaliya
U Jeedka Sheekadaan Waxa Ey Ka Turjumeysaa Ama Ay Mataleysaa Xaalada Iyo Marxalada Aan Ku Suganahu Oo Ah Mid La Yaab Leh Waxa Kaliya Ee Inoo Hadhayna Yahay Gashadkii Hoose Waxkastana La Inaga Qaatay Maskaxdii Kheyraadkii Dhallinyaradii Hawenkii Iyo Caruurtii Waxaan Garanwaayay Sababta Aan U Noolnahay Waxa Aan Garanwayay Sababta Aan Wax U Baraneyno.
Waxaan Garan Wayay U Jeedkeena Iyo Ahdaafteenna Fakarkeena Iyo Halka Aan Hiigsaneyno Iyo Caqabadah Ina Hesta Sida Dunida Inoo Aragto Iyo Sidaeynunahay Muhiimadu Waa Inaa Garataa In Maankaagu Iyo Maskaxdaadu Si Dhab Ah U Wada Shaqeeyaan Dal Khani Ah Dadakiisuna Sabool Yihiin Malin Walaba Macaluul U Dhinta Waa Garasho La Aan
Waxa Halkaa Ina Dhigay
Omer Deek Hassan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!