DEG DEG Golaha Wasiirada Somaliland oo Go'aamiyay in dagaal lagu qaado Magaalada Laas-Caanood

0
Thursday April 06, 2023 - 14:36:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Golaha Wasiirada Somaliland oo Go'aamiyay in dagaal lagu qaado Magaalada Laas-Caanood

    Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland



1. Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidammada qalabka sida ee heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud ee dalka.


2. Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika.



3. Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha Dalka.


4. Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan.

Loading...
Loading...