Aasaasihii adeega lacag dirista ee Cash App oo lagu dilay dalka Mareykanka

0
Thursday April 06, 2023 - 14:06:54 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aasaasihii adeega lacag dirista ee Cash App oo lagu dilay dalka Mareykanka

    Qofka dhaawacu soo gaadhay oo ahaa Bob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka dhaawacu soo gaadhay oo ahaa Bob



Bob Lee oo ahaa aasaasihii barnaamijka lacagaha la isku weydaarsado ee Cash App, oo haatanna ka mid ahaa masuuliyiinta sarsare ee shirkadda MobileCoin ayaa si xun loogu toorayeeyey magaalada San Francisco, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo weliba shirka CryptoCurrency.


 

Saraakiisha ayaa Salaasadii waxay ka jawaabayey telefoon loosoo diray oo ku saabsanaa in qof uu geystay weerar loo adeegsaday mindi, kaas oo ka dhacay wadada Main Street, markii ay goobtaas tageenna, waxay ka heleen nin 43 jir ah oo qaba dhaawacyo culus oo loo adeegsaday mindi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray ciidanka booliska ee San Francisco.



 

Qofka dhaawacu soo gaadhay oo ahaa Bob Lee ayaa markii dambe ku geeriyooday cusbitaalka.

 

Boolisku illaa haatan ma aqoonsan dhibbanaha, hase ahaatee shirkadda MobileCoin ayaa xaqiijisay dhimashada Bob Lee, iyada oo ka jawaabaysa fariin ay u diray wakaaladda wararka ee Associated Press maalinimadii Arbacada.


 

"Saaxiibkeen Bob Lee wuxuu dhintay shalayā€¯ sidaa waxaa sheegay Madaxa Fulinta ee shirkadda MobileCoin Josh Goldbard.


 

Bob Lee ayaa dood ku lahaa barnaamijka Andriod ee Google, iyo weliba aasaasidda barnaamijka lacag dirista ee Cash App, isaga oo ugu dambayn la shaqaynayey shirkadda MobileCoin.

Loading...
Loading...