Faiza Farah Suusle Oo Tacsi Udirtay Ehelkii Ismaaciil Buubaa + Gabay Baroordiiq

0
Wednesday April 05, 2023 - 21:44:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faiza Farah Suusle Oo Tacsi Udirtay Ehelkii Ismaaciil Buubaa + Gabay Baroordiiq

    Inaalillaahi wa inaa ileehi raajucuun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inaalillaahi wa inaa ileehi raajucuun.

 



 

Faiza cheif Caaqil Farah Suusle ayaa tacsi udirtay ehelkii, qaraabadii iyo qoyskii balaadhnaa ee uu ka baxay Marxuum Ismaaciil Hurre Buubaa oo manta ku geeriyooday dalka Turkiga.

 

Faiza Farah Suusle ayaa qoraal ay ku tacsiyadaynayso ehelkii uu ka baxay Marxuumku iyo gabay baroordiiq ah usoo dirtay xafiiska shabakada Hadhwanaagnews.

 

Inaalillaahi wa inaa ileehi raajucuun.

 

Ilaahaay janna fardousa aclaa haka waraabiyo Marxuunka Ismaacil Hure Bubaa  nin aad u  culuus  ayuu ahaa Ilaahay  ayaa  culus, maalmo  aad  u khayer badan bil Rabadaan  10  dhexe ayuu  aduunyadan   ka  faaruqeey  oo albaabada  naaruhu  xidhanyihiin, kuwa  janaduna   balaqanyihiin  Ilaahay marti lajecel yahaay  haka   dhigo amiin.

 

samir iyo  imaan saadiqa  Allaah   haka siiyo  dhamaan Caruurtiisi iyo  Xaaskisii iyo  dhamaan qoyska   reer  Bubaa  oo dhanba. Aamiin Aamiin

 

Gabay Baroor Diiq ah.

Aadmiga dhammaantiis

Ifka joogimaayoo

Nafkastaba ayaan bay

Ajasheedu go,aysaa

 

Anigana si aaday

 geerida ismaaciil

Gaar iigu tahayoo

Aadbay ii damqaysaa

 

Halkii aabbahaybuu

Runtii iigu jirayoo

Agoon baan markale ahay

 

Marhaddii la oofsaday

Eebboow godka u nuur

Jannadii udgooneyd

Ku irsaaq allahayoow

 

Ina buubbaa ismaaciil

Geesi aragti dheer iyo

Wuxu ahaa aqoon yahan

Ama udub dhexaadkii

Garxajis uu lahaayoo

Waan wada og saannahay

 

Ilaysbuu ahaa demey

Marhaddii la oofsaday

Eebboow godka unuur

Jannadii udgooneyd

Ku irsaaq allahayoow

 

Intii uu ka tegey iyo

Ehelka I maqlaayoow

Aamminta igu dara

 

BY, Faiza cheif Caaqil Farah Suusle!!


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...