Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Ku Timid Marxuum Ismaciil Buubaa

0
Wednesday April 05, 2023 - 18:06:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Ku Timid Marxuum Ismaciil Buubaa

    Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo

 

 

TACSI MADAXWEYNE: 05/04/2023.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga maanta oo ay taariikhdu tahay 05/04/2023.

 

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey oday siyaasi ah oo xilal kala duwana ka soo qabtay Ururkii SNM, xukuumaddii Madaxweyne AHU Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)na ka soo noqday Wasiirkii Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan.

 

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

 

 ALLAA MAHAD LEH

 Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Loading...
Loading...