Taliyaha Booliska Oo Hortagey Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiillada Somaliland

0
Wednesday April 05, 2023 - 12:55:11 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Booliska Oo Hortagey Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiillada Somaliland

    Guddooiye xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddooiye xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada


Guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan is xog wareysiya la yeeshay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).


 

Guddooiye xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse ayaa warfidiyeenada uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, waxaanu xildhibanku sheegay in taliyuhu mudanayaasha guddidaasi uga waramey xaalada nabadgelyo ee dalka.



 

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in taliyaha ciidanka boolisku guddidaas faahfaahin ka siiyey kiisaskii kala duwanaa dalka ka dhacay iyo xiligan halka ay marayaanba, gudoomiye ku xigeenka guddigaasi xildhibaan Axmed Cabdi Muuse ayaa xusay inay su-aalo kala duwan taliyaha ciidanka booliska Somaliland ka weydiiyen howlaha amniga dalka, dhankiisana taliyaha booliska ayaa mudanayaashagolaha wakilada ka dalbadey in la sameeyo xeerka ka hortagga argagaxisada.

Loading...
Loading...