4 beenood oo aynnu u sheegno nafteenna, kuwaasi oo dilla riyooyinkeenna!

0
Wednesday April 05, 2023 - 12:34:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    4 beenood oo aynnu u sheegno nafteenna, kuwaasi oo dilla riyooyinkeenna!

    Ma hayo waqti( I don't have a time)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma hayo waqti( I don't have a time)


1. Maanta waan ka iska dhaafayaa

Shay kasta wuxuu leeyahay ammin, joog teyn tuna waa awoodda gaadhida riyadaada. Maalin kasta oo ku dhaaftaa, waa mar kasta oo aad ka sii fogaanayso riyadaadii(wixii aad rabtey inaad gaadhid )


2. Waan qaban doonaa( I will do it later)

Dibdhigashadu waa cadowga guusha. Marka aad hawlaha kadinkaaga soo tumman ee aad qaban karto aad dib u dhigatid, ogow in aannad rumayn kareyn riyadaadii.

Waan qaban doonaa... Waan samayn doonaa.. been baad u sheegaysaa naftaada!

3. Ma hayo waqti( I don't have a time)

Inta aad ku mashquulsan tahay dadka kale ee ku raad joogga riyadooda, waxa ka wacan in aad ammintaada galiso sidii aad u samayn lahayd isbeddal. Dadku waxa ay haystaan waqti isku mid ah balse, waa ninba sida uu uga faa'iidaysto.

Sidaada ayay shaqo hayaan; sidaada ayay dugsiyo tagaan; waxa aad qabato ayay qabtaan; iyagu waxa ay ku dheer yihiin intaa inyar oo ka mid ah ayuun bey waqtigooda ka soo jareen!
Inta aad leedahay, "waqti ma hayo" waxa aad ku maaweelinaysaa naftaada been iyo wax aan jirin!

4. Garan maayo wax aan qabto!

Garan maayo wax aan barto , garan maayo wax aan qabto, garan maayo ... garan maayo... Xaqiiqdii marka aad sidaa leedahay waa been cad oo aad naftaada u sheegayso! Waa waxa kuu diidan isbeddalka. Waa waxa kugu abuuraya cabsida. Waa waxa aad tallaabo u qaadi laadahay.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...