Maxaa muhiim ah nolosha. maxaan sameeyaa?

0
Wednesday April 05, 2023 - 12:19:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa muhiim ah nolosha. maxaan sameeyaa?

    7- Meel aan lagaa casuumin waligaa ha aadin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

7- Meel aan lagaa casuumin waligaa ha aadin.


1- Lacag. 90% caqabadaha ku haysta waxaa u xal ah lacag.

2. Haddii qof aad jeceshahay uu hal mar ku khiyaano, mar labaadna wuu ku khiyaamayn karaa, ka tag.

3- Jecloow oo xidhiidhi qoyskaaga. Xasuuso dad ka mid ah qoyskaaga oo aanad muddo dheer la xidhiidhin, maanta ka war doon.



4- U naxariiso xayawaanka xitaa kuwa dugaagga ah haddii aanay halis ku ahayn naftaada.

5- Kolka aynu galno meherad wayn oo heersare ah, dadka ka shaqeeya si deggen ayeynu ula hadalnaa oo ay iska dhaadhicini ku jirto. Kolka aynu wax ka gadanayno dadka jilicsan ee waddooyinka wax ku iibiyana ad'adayg ayeynu u muujinnaa. Ha samaynnin sidaas.


6- Haddii uu xidhiidhka haasaawuhu uu dhinac kaliya yahay, waligii hore u socon maayo, jooji.

7- Meel aan lagaa casuumin waligaa ha aadin.


8- Xitaa wax aad u yar haba ahaadee isku day inaad maalin walba wax sadaqaysato, gacanta bar inay wax dhiibto, qalbigana farxadda u tallaal.


9- 70% barnaamijyada moobilka kuugu jira ma isticmaashid, 70% lambarrada kuu kaydsan ma wacdid, balse haddii aan maanta dhimato waxa hubaal ah inaad ka tagayso qabyo badan iyo hawlo muhiim ah oo kuu dhinnaa. Ogoow wixii kuu muhiim ah.


10- nolosha waxa ugu horreeya caafimaad. Haddii aad haysato ku raaxayso.

Kolka xanuun ku haleelo waxaad u xiistaa caafimaadkii, marka aad bogsatana waad iska illowdaa inaad si fiican ugu noolaato iyo inaad Alle u mahad celiso. Caafimaadka ha u qaadan wax aad leedahay.


Nabadeey????????

Hiimsahiimse

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...