Ururka KAAH Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Ismacil Buubaa
TACSI GUDOOMIYE
Gudoomiyaha
Ururka,Isbahaysiga,Sinaanta iyo Horumarinta Somaliland ee KAAH, Mudane Maxamud
Xaashi Cabdi, isaga oo ku hadlaya Magaciisa iyo Guud ahaan Magaca Ururka Kaah,
waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, Ehelkii, qaraabadii,asxaabtii iyo guud
ahaan Shacabka Somaliland ee uu ka geeriyooday, Marxuum Ismaaciil Maxamud Hurre
(Buubaa), oo maanta ku geeriyooday Dalka Turkey,
Gudoomiyuhu Marxuumku
wuxu ku tilmaamay, Aqoonyahankii iyo odayaashii bud-dhiga u ahaa dalka, ee
Seeska u dhigay Nidaamka Dawldanimo ee Somaliland.
Gudoomiyuhu wuxu ku
sifeeyay marxuumka, Oday Muxtarim ah oo Qaranka Somaliland qayb wayn ka soo
qaatay, xilalna ka soo qabtay, kana qayb qaatay dib u xorayntii iyo dib u
dawladayntii dalka
Gudoomiyuhu wuxu
Ilaahay uga baryayaa in uu Naxariistii Jano ka waraabiyo Marxuumka, ehelkii,
qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan Saadiqa ka siiyo,
Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska, Warbaahinta
Ururka Kaah
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!