Ismaaciil Buubaa Oo Geeriyooday Iyo Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.

0
Wednesday April 05, 2023 - 12:00:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Buubaa Oo Geeriyooday Iyo Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.

    "Waxa ay marxuumka ku sifeeyeen shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa ay marxuumka ku sifeeyeen shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha"


 


Hargaysa (HWN) Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo ay ugu horeeyaan musharraxa madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyaga oo ku hadlaya afka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil Hurre Buubaa oo dalka Turkiga ku geeriyooday.

 

Waxa ay marxuumka ku sifeeyeen shakhsi ka mid ahaa haldoorka iyo odayaasha la qadariyo ee reer Somaliland islamarkaana ahaa siyaasi ruug caddaa ah oo muddadii uu xilalkii kala duwan ee uu ka soo qabtay Somaliland iyo Somalia hayay si hufnaan iyo hawl karnimo leh bulshadiisa ugu soo adeegay.

 

Hoggaanka Xisbigu waxay Illaahay uga baryayaan Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

 

إِنَّالِلّهِوَإِنَّاإِلَيْهِرَاجِعون

Waaxda Warfaafinta  ee Xisbiga WADDANI



Loading...
Loading...