Shan Faa'iido Uu Maraqu U Leeyahay Caafimaadka

0
Wednesday April 05, 2023 - 09:07:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Faa'iido Uu Maraqu U Leeyahay Caafimaadka

    "Soomaalida qaar maraqa waxay u adeegsadaan caafimaad ahaan gaar ahaan marka uu qofku hergebka ku dhaco"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomaalida qaar maraqa waxay u adeegsadaan caafimaad ahaan gaar ahaan marka uu qofku hergebka ku dhaco"



 

 

Maraqa ayaa ah mid caan ka ah maqaayadaha iyo xaafadaha Soomaalida, wuxuu ka mid yahay cuntooyinka maalinlaha ah.

 

Maraqa waxaa inta badan laga sameeyay lafaha ama hilib si fiican loo kariyay gaar ahaan kuwa lo'da , ariga, digaagga ama idaha.

 

Soomaalida qaar maraqa waxay u adeegsadaan caafimaad ahaan gaar ahaan marka uu qofku hergebka ku dhaco.

 

Maraqa

Maraqa laga soo saaro lafaha la kariyo waxaa ku jira borotiin, waqti badan ayaa lafaha lagu kariyaa si loo helo maraq tayo leh, waxaana laga soo saaraa nafaqooyinka ku dhex jira haddii uu ahaan lahaa dhuuxa.

 

Maraqa wuu sahlan yahay in la sameeyo, heerka nafaqada wuu ku kala duwan yahay, waxay ku xiran tahay lafta la adeegsaday iyo qaabka loo kariyay ama waxa lagu daray maraqa.

 

Maraqa ugu wanaagsan waxaa laga helaa lugaha iyo mijimaha xoolaha, si loo hagaajiyo dhadhanka, waxaa lagu daraa sida liin dhanaan, khudaar, geedo dhaqameedka iyo badar kale.

 

Shanta faa'iido ee laga helo maraqa

Wuxuu ka hortagaa gabowga

 

Maraqa waxaa ku jiraa maaddo la yiraahdo collagen- oo uu ku dhisan yahay maqaarka, lafaha iyo carjawyada, marka la kariyo waxaa burbura maaddadaas oo isku baddasha maaddo kale oo la yiraahdo gelatin iyo kuwa kale oo ay kamid yihiin amino acids-kuwaas oo xoojin kara caafimaadka.

 

Maraqa wuxuu kordhiyaa heerarka maaddada amino acids glycine iyo proline, tijaabooyin caafimaad oo la sameeyay ayaa la ogaaday in adeegsiga maaddada collagen uu ka hortago fuuq baxa , dabacsanaanta iyo baabi'inta muuqaalka laalaabyada maqaarka bini'aadamka.

 

Maaddada Collagen ee ku jirta maraqa waxay u fiican tahay caafimaadka haweenka uu ka go'ay dhiigga caadada iyo ragga da'da ah.

Maraqa wuxuu u fiican yahay dheefshiidka iyo mindhicirada

 

Gelatin waa walxo borotiin ah oo inta badan laga helo maraqa, waxay qofka ka caawisaa dheefshiidka.

 

Cilmibaaris lagu sameeyay xoolaha waxaa lagu ogaaday in maaddada kale ee amino acids ee laga helo maraqa lagu daweyn karo cudurrada mindhicirrada, inkasta oo loo baahan yahay in cilmibaarsi dheeraad ah lagu sameeyo arrintani.

 

Maraqa wuxuu caawiyaa shaqada difaaca jirka

 

Maraqa wuxuu ka qeyb qaataa xoojinta caafimaadka mindhicirrada, waana meesha ugu horreysa ee qeybta ka ah difaaca jirkeena. tusaale ahaan haddii mindhicirada ay dhibaato soo gaarto waxay arrintani wiiqi kartaa shaqada difaaca jirka, maadada amino acids ee laga helo maraqa ayaa ka hortaggi kartaa dhibaatadaas.

 

Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa muujineysa in maadadan ku jirta maraqa ay caawin karto bukaanada la daalaa dhacayo xanuunnada mindhicirrada, waxay xoojin kartaa difaaca mindhicarrada.

 

Wuxuu xoojiyaa caafimaadka kala goyska jirka

 

Cilmibaarisyo la sameeyay waxay muujinayaan in mid kamid ah maaddooyinka laga helo maraqa ee collagen gaar ahaan maraqa digaaga wuxuu waxtar u leeyahay daweynta bukaannada la daalaa dhacayo xanuunnada ku dhaca kala goysyada jirka.

 

Sidoo kale maaddada kale ee Gelatin ee ku jirta maraqa waxa kale oo laga yaabaa inay faa'iido u leedahay ka-hortagga boogaha iyo hagaajinta unugyada iyo seedaha.

 

Maraqa wuxuu qofka ka caawiyaa hurdada

 

Maaddooyinka amino acid iyo glycine ee laga helo maraqa waxay waxtar u leeyihiin caafimaadka banii'aadanka gaar ahaan in qofka in uu helo hurdo.

 

Daraasad la sameeyay ayaa muujineysaa in maaddooyinkaas ay horseedaan in qofka u helo hurdo fiicaan, waxay ka qeyb qaataan in qofka uu degganaan jir ahaaneed uu dareemo si uu isugu diyaariyo hurdada.

 

Weli waxaa loo baahan yahay in cimi baaris dheeraad ah lagu sameeyo arrintan, maaddama ay yar yihiin caddeymaha ku aaddan faa'iidaa caafimaad ee laga helo maraqa kala duwan.

 

BBC


Loading...
Loading...