Trump Oo Diiday Inuu Qirto Dacwadaha 34 Kiis Oo Lagu Soo Oogay
Madaxwaynihii hore ee
Maraykanka Donald Trump ayaa Talaadadii maxkamada gobolka New York ka sheegay
in aanu wax danbi ah galin 34 dacwadood oo lagu eedeeyay, kuwaas oo ay ka mid
yihiin in uu ka been abuuray diiwaanka ganacsgiisa iyo lacag aamusin ah oo uu
siiyay gabar sameysa aflaanta galmada, kahor doorashadii 2016.
Trump ayaa diiday inuu
qirto eedda dambiga lagu soo oogay ka hor inta aan la horgeyn dacwad oogaha
maxkamada sare ee gobolka New York Juan Merchan kadib markii sharciyaqannadu ay
soo bandhigeen eedaha loo heysto.
Ma jirin taleefishin
toos ah oo laga sii daayay dacwadda kadib markii Merchan uu diiday codsiyo uga
yimid xarumaha warbaahinta oo ahaa in la sii daayo. Balse waxa uu oggolaaday
koox yar oo sawir qaadayaal ah inay soo galaan maxkamadda ka hor inta aysan
dacwadu bilaaban.
Qareennada difaacayay
ee Todd Blanche, Susan Necheles iyo Joe Tacopina ayaa labada dhinac ka
fadhiyey, iyadoo ilaalada maxkamadda oo hubaysan ay Trump gadaashiisa
taagnaayeen.
Dacwad oogayaasha
kiiskan ayaa ku eedeeyay in Trump uu jilaaga aflaanta ee Stormy Daniels siiyay
$130,000 kahor tartankii madaxtinimo ee uu ka qeybgalay ee sannadkii 2016, si
uu uga aamuso sheegashadeeda.
Trump ayaa muddo dheer
beeniyay sheegashada Daniels, oo magaceeda saxda ah uu yahay Stephanie
Clifford, inuu kulan hal habeen ah la yeeshay. Laakiin Trump ma uu dafirin in
qareenkiisii Michael Cohen, uu bixiyay lacagta Daniels.
VOA