Madaxweynihii Maamulka Amxaarada Ee Itoobiya Oo Is Casilay Iyo Badalkiisa Oo La Magacaabay
Dr Ambachew Mekonnen oo ahaa la taliye dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo magaalooyinka
Addis Ababa(HWN):-Madaxweynihii maamulka Amxaarada
ee dalka Itoobiya Gedu Andargachew ayaa iska casilay xilkii uu hayey.
Gedu Andargachew oo maamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya soo hogaaminayey shantii sanadood ee ugu dambeeyey ayaa is casilay,isaga oo aan si rasmi ah u soo bandhigin waxyaabaha ku kalifay inuu xilka ka dago.
Dr Ambachew Mekonnen oo ahaa la taliye dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo magaalooyinka ayaa loo magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka Amxaarada.
MagacaabidaDr Ambachew Mekonnen ayaa imanaysa ka dib is casilaada madaxweynihii ka horeeyye ee amxaarada Gedu Andargachew oo laga aqbalay is casilaad uu soo gudbiyey.
Loading...
Loading...