Waasidee Xaalada Laascanood Maanta?

0
Tuesday April 04, 2023 - 18:15:41 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waasidee Xaalada Laascanood Maanta?

    "Dadka aan badneyn ee ku haray qaybaha kala duwan ee magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay muujinayaan cabsi"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka aan badneyn ee ku haray qaybaha kala duwan ee magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay muujinayaan cabsi"



Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta maalintii saddexaad oo xiriir ah ay xaaladda magaaladu tahay mid deggan.

 

Dadka aan badneyn ee ku haray qaybaha kala duwan ee magaalada ayaa lasoo sheegayaa in ay muujinayaan cabsi ah in dagaalku xilli walba qarxi karo.

 

Shalay ayey ahayd markii deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool la sheegay in dadka deegaanka qaarkood ay halkaasi isaga carareen, kaddib xiisad ka dhalaty gaari ay leeyihiin ciidamada Somaliland oo la rasaaseeyay.

 

Gaariga oo ahaa mida y leeyihiin ciidamada Somaliland oo sida la sheegay siday dhaawac ayay fiidnimadii Sabtidii koox deegaanka ah dhexda u galeen oo xabbadeeyeen, ciidamada ayaa dhankooda la sheegay inay ku jawaabeen rasaas ay ku fureen magaalada, halkaasoo sida la sheegay khasaare uu ka dhashay, sida uu BBC-da u sheegay Cumar Axmed Dayib oo ka mid ah dadka deegaanka.

 

Dadka ka qaxay deegaanka Aricaddeeye oo 30km u jira magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka mid ah kuwo markoodii horeba ka barakacay dagaalka Laascaanood.


Loading...
Loading...