Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay magacaabista Ergayga Gaarka ah ee wada hadalada Somaliland & Somaliya.

0
Tuesday April 04, 2023 - 17:47:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Oo Ka Hadlay magacaabista Ergayga Gaarka ah ee wada hadalada Somaliland & Somaliya.

    "Gudoomiyuhu wuxu u arkaa in mudane C/kariim yahay, ruux ku haboon xilkan culus"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gudoomiyuhu wuxu u arkaa in mudane C/kariim yahay, ruux ku haboon xilkan culus"



Hargeysa- (HWN) - Gudoomiyaha Ururka Isbahaysiga Sinaanta iyo Horumarinta Somaliland ee Kaah, Mudane Maxamud Xaashi Cabdi, ayaa soo dhaweeyay in madaxweynaha Somaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu dib u dardargeliyay geedi socodkii wada hadaladdii Somaliya iyo Somaliland, kaas oo ay ragaadisay xukuumadii ka horeysay.

 

Gudoomiyuhu wuxu u arkaa in ay arrintani tahay, talaabo fiican oo uu madaxweynuhu qaaday, taas oo suurto gelin-karta in laga gun gaadho wada hadalada guulgalka loo ahaa guyaasha badan.

 

Dhinaca Kale, waxa uu Gudoomiyaha Ururka Kaah uu bogaadiyay, mudane C/kariim Xuseen Guuleed, in loo magacaabay ergayga wada hadalada ee dhinaca Somaliya. Gudoomiyuhu isaga oo ka duulaya aqoonta uu u leeyahay,

 Gudoomiyuhu wuxu u arkaa in mudane C/kariim yahay, ruux ku haboon xilkan culus ee loo igmaday.

 

Mudane C/kariim waa siyaasi bisil oo balaadhan, kaas oo faham qoto dheer u leh, duruufaha iyo dareemada kala duwan ee ku xeeran mashruucan.

 

Ugu danbayn, Gudoomiyuhu wuxu ugu baaqayaa madaxda labada dal ee Somaliya iyo Somaliland, in mashruucan loo bilaabo si xikmad iyo xirfad badan leh. Si looga hortago in uu mar Kale murkacdo ama dhicisoobo.

 

Xafiiska Warbaahinta Ururka kaah


Loading...
Loading...