Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomey Danjireyaasha Dalalka Jabuuti, Kanada Iyo Kuubba
Muqdisho, Abriil 04,
2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee
dalalka, Jabuuti, Kanada iyo Kuubba ee loo soo magacaabay Soomaaliya.
Munaasabad ku
qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu waxa uu kaga guddoomiye
waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah; Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf,
Safiirka cusub ee dalka Jabuuti, Mudane Christopher Thornley, Danjiraha Cusub
ee Kanada iyo Mudane Juan Manuel Rodriguez oo ah Danjiraha ee dalka Kuubba u
fadhin doona dalkeenna.
Danjireyaasha ayaa
Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Madaxda iyo hoggaanka
dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka
taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta
xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la
leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay in soo celinta xiriirka dalka Kuubba uu
ka tarjumayo ka dhabeynta qorshihiisa Soomaali Heshiis la ah Dunida.
DHAMMAAD