WAR DEG DEG AH: Madaxwaynaha Somaliland OO Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis.

0
Saturday June 22, 2019 - 14:29:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 7509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH: Madaxwaynaha Somaliland OO Sameeyay Xil Ka Qaadis Iyo Magacaabis.

    WAREEGTO MADAXWEYNE: 22/06/2019

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAREEGTO MADAXWEYNE: 22/06/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-328/062019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.


Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-



Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis


Ku: Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiste),
Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Shiinaha


Ku: Maxamed Cabdikariim Cumar Ismaaciil,
Safiir Ku-xigeenkii hore Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya


Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

Mudanayaal,


Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka.


Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka ee kor ku xusan.


Magacaabis


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;


Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;


Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;


Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;


Waxaan Go’aamiyey;


In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:


1. Maxamuud Xaamud Cumar Guddoomiyaha Gobolka Badhan

2. Cabdiraxmaan Axmed Muuse Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Badhan

3. Cawil Ibraahim Cali Wakiilka Xafiiska Ganacsi ee Somaliland ee Dalka Shiinaha



ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

Loading...
Loading...