Saddexda waqti ama saacadood ee ugu qaalisan bisha Ramadaan .
Marka hore Eebbe weyne aya mahad leh ina soo gaadhsiiyay bishan fadliga badani u sugnaaday , bishan waa bil uu alle SWT qur'aankiisa ku xusay ,lehna fadaa'il (Faa'iidooyin )dheeraad ah oo ay bilaha kale dheertahay , inagoo ogsoon kana dharagsan fadliga bishan hadanna waxan in yar idinla wadaagayaa waqtiyada ama saacadaha ugu qaallisan ee bishan ku jira waxayna kala yihiin:
1: Saacada ugu horraysa maalinta
(Salaada subax kadib).
Rasuulku NNKH wuxuu yidhi: "Qofka ku tukada salaada subax jamac, dabadeed fadhiista ee Illaahay xusa ilaa inta cadceedu kasoo baxayso, kedibna tukada laba rakcadood waxaa u sugnaaday Ajar la miisaan ah qof Xajay oo Cumraystay."
2: Saacada u dambaysa maalinta
( Salaada maqrib ka hor).
Waa daqiiqado qaali ah waxaana soo aroortay in ay yihiin waqtiga ugu fadliga iyo aqbalaada dhaw ducada Rabbi la baryayo.
3: Waqtiga suxuurta .
( Salaada subax ka hor).
Waa waqtiga ugu fadliga badan yihiin ducada iyo dambi dhaafku. Illaahay SWT wuxuu yidhi: والْمُسْتَغْفِرِينَ بِالأَسْحَارِ" آل عمران..."
"...Kuwa dambi dhaafka waydiista Eebbe waqtiga suxuurta"
Waqtigani waa xilliyada uu Eebbe wayne usoo dego samada Adduunka, soo degitaan isaga u cuntama oon la mid ahayn ka bani'aadamka.
W/Q: Xamse Cabdi Ibraahim
#ramadan2023
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!