Fadaa'isha iyo karaamada ay dheertahay ummatu muxamed scw umadihii kale ee ka horeeyey:
1. Rabbi wuxu kusoo dejiyey kor-kooda kitaabka ugu qiimaha badan uguna weyn kaas oo ah kitaabka qur'aanka ah.
2. Rabbi wuxu usoo diray rasuul uu soo diro midkii ugu fadli badnaa uguna karaamo badnaa.
3. Rabbi wuxu ku karaameeyey zamankeeda iyo waqtigeeda oo dheer, oo Alle uuna kadhigay ummada ugu dambeysa umadaha, aduunkana ummad ka danbeysa aysan jirin.
4. In ay tahay ummad iyadu la raaco oo lagu daydo aysana ahayn ummad iyadu wax raacda ama ku dayata.
Ummattu muxammed scw Iyada ayaa dhaqanka wanaagsan laga qaataa, caqiidada wanaagsan laga qaataa, akhlaaqda wanaagsan laga qaataa, wixii qiimo lehna iyadaa loogu yimaadaa.
5. Ummadaani cidna uma baahna waayo wexey haysataa diinteeda, kitaabkeeda, iyo sunadeeda waana mid kaamil ah wax ilaahay kaga tageyna malahan.
6. Nebiga scw wuxu ku yiri xadiith:
(نحن الآخرون السابقون).
Oo macnihiisu yahay "Waxa aanu nahay ummadda ugu dambeysa ummadaha xagga waqtiga, sidoo kalena ummada ugu horeysa ummadaha xagga Karaamada iyo fadliga."
Hadaba waxa aan habeen iyo maalin uga mahad-naqaynaa Alle swt fadliga intaasi leeg ee uu inasiiyey, markii laga yimaado fadliga muslinimada ee uu inagu galadaystay kadib in aan kamid noqonono ummadda nebi maxamed scw.
Bahja Omar Ahmed-Bahuuja
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!