Boqortooyada Shinnida
Shinnidu waa boqortooyo aad u qiimo badan oo ilaahay ka fadilay
Xasharaadka intiisa kalewaa xasharaad Allah hibo uu u siiyey inuu sameeyo
mid kamid ah dawooyinka Ilahay iyo rasuulkiisii muxamad ahaa ammaaneen
Xasharaadka shinnidu waa xasharaad aad u qiimo badan oo ku nool dhamaan daafaha
caalamka marka laga reebo qaarada antaratica.
Xasharaadkan Ilaahay quraankiisa sharafta badan ayuu ku xusay shinnida mar kasta
oo uu Allah sheego magaceedana haddana manfaceeda ayuu Allah sheegaa oo uu ugu horreeyo malabku.
suurad ka mid ah quraanka ayaa magaceeda la dhehaa surada shinnida oo uu Allah ku xusayo inay tahay mid manfac badan sidoo kale Allah ayaa sheegay inuu u waxyooday.
Shinnidu waxay ku nooshay, kaymaha iyo buuraha waxayna u kala baxdaa 20 kun oo nooc.
Waxaana halis badan kuwa gala buuraha isla markaana ka malab soo saar badan kuwa ku nool kaymaha.
Shinnidu waxay u nooshahay sida bani aadamka sidoo kale waxaa u taliya qaybteeda dhidiga waxayna u nooshahay guuto guuto, guuto kastana gaar ayay u nooshahay midkasta oo guutada ama boqortooyada ka mid ahna, waxuu qabtaa shaqo u gaar ah.
Shinnidu waxay samaysataa malab u kala baxa dhowr nooc mid la siiyo boqorada oo is gaar ah loo diyaariyo iyo nooc ay cunaan kuwa shaqaalaha boqortooyada ah iyo nooc ay cunaan kuwa labka ah. Malabku waa dawo sida uu Allah ku sheegay quraankiisa
Noocyada malabka ay shinnidu samayso wuu kala faa’iido badan yahay waxayna ku xidhan tahay qaabka ama nooca waxa ay cunaan…
Shinnidu waxay leedahay laba baal oo hore iyo baalal ka badan kuwa hore oo ay ku leedahay xaga danbe. Cuntada saxda ah ee shinnidu waa manka iyo ubaxa macaan iyo xabuubta ku dhex jirta midhaha.
Shinnidu waxay jismi ahaan ka koobantahay saddex qaybood oo kala ah madaxa, laabta iyo caloosha.
Sidoo kale waxay leedahay shinnidu 5 indhood iyo tuubo dheer oo adag oo ay u isticmaasho oo kaliya difaaca.
Shinnida ugu fiican ama ugu wax soo saarka badan xaga malabka waa shinnida ku dhaqan qaaradda yurub gaar ahaan waddanka faransiiska deegaamada Alkreneola.
Malabka dunida ugu fiicanna waxaa laga soo saaraa waddanka yemen.
Shinnida ta ugu dheer ee malab samaysaa waa shinni dhererkeedu gaadhayo ku dhowaad 20 milimter waxaana loo yaqaana cimlaaq.
Ta ugu gaaban ee soo saarta malab waxaa lagu qiyaasaa dhererkeedaa 1mm waxaana loo yaqaana cilinka.
Dhererka shinnida boqorada ah waxa uu ku labanlaabmaa dhererka shinnida shaqaalaha ah.
Shinnida wuxuu Ilaahay ku mannaysatey qayb urta iyo dhadhanka ta ugu wanaagsan waxaana ay ku kala gara kartaa dhadhanka macaan iyo dhadhanka qadhaadh urta xun iyo urta udgoon.
Ma ogtahay malabku inuu ka dawo yahay xanuun kasta oo aan ahayn geerida ?
Mahadsanid:
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!