Finland Oo Noqonaysa Dalkii 31aad Ee Xubin Ka Noqda NATO

0
Tuesday April 04, 2023 - 08:11:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Finland Oo Noqonaysa Dalkii 31aad Ee Xubin Ka Noqda NATO

    "Finland ay ku soo darayso isbaheysiga ciidan milateri oo si wanaagsan u tababaran"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Finland ay ku soo darayso isbaheysiga ciidan milateri oo si wanaagsan u tababaran"

 



Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Finland ay ku biiri doonto isbaheysiga militari maalinta Salaasada ee berri, wax ka yar hal sano, ka dib markii uu dalkani gudbiyay codsigiisa ku biiritaanka NATO, tallaabadan oo jawaab u ahayd duulaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

 

Stoltenberg ayaa u sheegay warfidiyeenka, ka hor kulanka wasiirada arimaha dibada ee NATO, in Finland ay ku soo darayso isbaheysiga ciidan milateri oo si wanaagsan u tababaran, una qalabaysan, ka dib markii dalka Turkigu uu ansixiyey ku biiritaankooda, maadaama loo baahan yahay in dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO inay ansixiyaan dal kasta oo ku soo biiraya.

 

Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay inuu si wanaagsan ugu qanacsan yahay in Sweden ay sidoo kale xubin ka noqon doonto isbahaysiga NATO, taasina ay mudnaanta koowaad ugu jirto inay hirgasho.

 

Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeeda xubinimada Sweden, iyada oo Turkigu ku eedaynayo inay Sweden gabaad siiso kooxo uu u arko argagixiso. Xoghayaha NATO ayaa sheegay in Sweden ay fulisay tallaabooyinkii lagu heshiiyey ee walaaca ku hayey Turkiga.

 

Xoghayaha NATO ayaa sidoo sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu dalbaday in hoos loo dhigo joogitaanka ciidanada NATO ee dhinaca bariga ka hor duullaankii ballaadhnaa ee Ruushku ku qaaday Ukraine, halka dalabaadkii Putin ee ku aaddanaa Finland iyo Sweden ay u dhaceen si caksi ah.

 

Xoghayaha ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ciidamo badan oo NATO ahi ay joogi doonaan dhinaca bari ee Isbahaysiga maadaama xubno cusbi ay ku soo biireen NATO.

 

Sources: VOA


Loading...
Loading...