Soomaaliya Iyo Cuba Oo Ku Heshiiyey Inay Dib U Billaabaan Xidhiidhka Diblomaasi

0
Tuesday April 04, 2023 - 08:05:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Iyo Cuba Oo Ku Heshiiyey Inay Dib U Billaabaan Xidhiidhka Diblomaasi

    "Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka Cuba uu waraaqihiisa aqoonsiga…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka Cuba uu waraaqihiisa aqoonsiga…"

 



Dawladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku hehsiiyey inay sii ambaqaadaan xiriirkooda dblomaaisyadeed, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta labada waddan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa Isniintii qaabilay safiirka Cuba u jooga dalka Kenya Juan Manuel Rodrigues Vazquez oo sidoo kalena qaabilsanaan doona arrimaha Soomaaliya.

 

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka Cuba uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey wasiirka maanta.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamc ayaa ku sheegay bartiisa twitterka in labada waddan ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen inay sii wadaa.

 

Xiriirka labada waddan ayaa xumaaday xilligii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Cuba ay taageertay dhinaca Itoobiya.


Loading...
Loading...