Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Ku Timid Ex. Wasiir Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo
TACSI MADAXWEYNE:
03/04/2023.
INNAA LILLAAHI WA INNAA
ILAYHI RAAJICUUN.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya
magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu
dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, bahda qoraalka, aqoonyahanka,
siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo
shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland,
Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) oo ku geeriyooday
galabta oo ay taariikhdu tahay 03/04/2023, Caasimada Somaliland Ee Hargeysa.
Waxaanu Madaxweynuhu
Marxuumka ku sifeeyey Oday dhaqanyaqaan ah oo taariikhyahana, bugaag badana ku
qoray afaf kala duwan, kaalin muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo
nabadayntii shacbiga Somaliland, kana baxay dalka iyo dadkaba.
Waxa uu Madaxweynuhu
marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda
dhaqanka, bahda qoraalka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka,
qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna
samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda
iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL