Trump Oo Ku Wajahan New York Si Uu Maxkamadda U Hortago
Madaxweynihii hore ee
Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta kasoo duulo Florida oo uu
yimaado New York, halkaasi oo uu ku wajahayo dacwad dambiyeed.
Trump ayaa lagu soo
oogay dacwad la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaanta
galmada, kahor doorashadii 2016.
Trump, oo ah madaxweyne
hore oo Mareykan ah kii ugu horreeyey ee wajaha dacwado dambi, ayaa Talaadada
hortagaya maxkamadda Manhattan kadib marka faro iyo sawirro laga qaado, xilli
aad loo adkeeyey ammaanka.
Qareenada Trump ayaa
sheegay inuusan dambi qiran doonin. Eedaha ku jira dacwadda ay xeer-beegtida
kusoo oogtay Trump ayaan weli la caddeyn, balse la shaacin doonaa Talaadada.
Sarkaal ka tirsan
maxkamadda Manhattan ayaa sheegay in Trump uu maxkamadda hor iman doono 2:15pm
Talaaada. Trump ayaa kadib ku laaban doona Florida, wuxuuna hadal ka jeedin
doonaa Mar-a-Lago abaare 8:15 p.m Talaadada.
Booliska New York ayaa
dhammaadkii toddobaadka billaabay inay jidgooyooyin ka sameeyeen agga sarta
Trump Tower iyo Maxkamadda Dambiyada ee Manhattan.
Waxaa la filayaa inay
halkaas ka dhacaan dibad-baxyo, waxaana booliska ay wacad ku mareen inay diyaar
u noqon doonaan.
"Saraakiisha waxaa la
geliyey heegan, islamarkaana waaxda waxay diyaar u tahay inay u jawaabto sida
loogu baahdo, waxayna xaqiijin doontaa in qof kasta uu si nabad ah u adeegsado
xuquuqdiisa,” waxaa sidaa bayaan ku tiri Waaxda Booliska New York.
Kahor inta aan dacwadda
lasoo oogin, xeer-beegtida ayaa maqashay caddeymo la xiriira lacag $130,000 oo
la siyey Stormy Daniel, oo jisha aflaanta galmada, intii lagu guda jiray
ololihii doorashada 2016.
Daniels ayaa sheegtay
in lacagta loo siiyey inaysan ka hadlin xiriir galmo oo ay Trump kula sameysay
Hotelka Lake Tahoe sanadkii 2006. Trump waa uu beeniyey inuu xiriir jiray.
Trump oo 76 jir ah ayaa
madaxweyne soo noqday 2017 illaa 2021, wuxuuna bishii November billaabay isku
day uu dib ugu laabanayo Aqalka Cad 2024.
Dacwadda Trump ayaa ka
dhalatay baaritaan uu sameeyey xeer-ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg
oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga.
Trump ayaa sheegay
inuusan dambi gelin, waxaana xulufadiisa ay dacwadaha ugu yeereen kuwo
siyaasado ay dhiiri-geliyeen.
VOA