Maxay Tahay Magacaabista Xasan Sheekh Sameeyay ee Ka Farxisay Muuse Biixi?

0
Monday April 03, 2023 - 14:34:14 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Magacaabista Xasan Sheekh Sameeyay ee Ka Farxisay Muuse Biixi?

    Maxay Tahay Magacaabista Xasan Sheekh Sameeyay ee Ka Farxisay Muuse Biixi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Tahay Magacaabista Xasan Sheekh Sameeyay ee Ka Farxisay Muuse Biixi?


Hargaysa (HWN)  Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyay magacaabista Ergayga Wada hadallada Somaliland iyo Somalia ee uu dhawaan magacaabay Madaxwaynaha Dawlada Somaliya Cabdikariin Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo hore loogu qaaday wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Cabdikariin Guuleed uu yahay nin wax badan ka fahamsan siyaasadda iyo howsha loo xil saaray, maadaama uu horay uga soo shaqeeyay.

 

"Shalay waatii la magacaabay Ergayga arrinta shirka u qaban-qaabinaya Dowladda Federaalka, arrintaan waxa aan u aragnaa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, Ninkaas loo magacaabay mid aqoon badan u leh siyaasadda, anagana waan soo dhaweyneynaa” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Waxa kale oo uu rajo wanaaagsan ka muujiyay inay markale dib u billaaban doonaan wadahadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland oo horay hakad u galay.


Loading...
Loading...