Madaxweyne Ruto Oo Ugu Baaqay Raila Odinga Inuu Joojiyo Mudaaharaadyada
Madaxweynaha Kenya
William Ruto ayaa si toos ah shacabka ugala hadlay TV-ga, markii ugu horeysay
tan iyo markii ay dhaceen mudaaharaadyo looga soo horjeedo qiimaha qaaliga ah
ee maciishada iyo 'wax isdabamarinta doorashada' oo uu soo abaabulay
hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, kuwaas bilowday 20-kii Maarso.
Waxa uu Odinga ugu
baaqay in uu joojiyo mudaaharaadyada la qorsheeyay maalinta berri ah.
Ruto ayaa sheegay 'in
mudaaharaadku muuqaalka Kenya uu saameyn xun ku yeelanayo' isla markaana
dhaqaalihii dalkana uu aad u saameeyay xilli maamulkiisu uu ku dadaalayo sidii
uu dhaqaalaha uga soo bixin lahaa waxa uu ugu yeeray 'godka dheer ee ay ugu
yimaadeen.'
Waxa uu sheegay in
doorashooyinkii Agoostadii lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo xor iyo xalaal ah.
"Waxaan rajaynaya
in cabashada mucaaradka ee khaladaadka doorashada lagu xalin karo baarlamaanka
iyo koox laba dhinac ah si ay si wadajir ah wax uga qabtaan waxa mucaaridku
rabo" ayuu yiri Ruto.
Weerarada ka dhanka ah
warbaahinta, ayuu Ruto sheegay in dalkiisu uu aaminsan yahay warbaahinta xorta
ah. "Wax kasta oo ka qeyb qaadanaya khatar-gelinta warbaahinta waa mid aan
la aqbali karin" ayuu raaciyay madaxweynaha Kenya William Ruto.