Shan Dal Oo Dumarka Ay Ku Helaan Amniga Ugu Fiican

0
Monday April 03, 2023 - 09:32:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Dal Oo Dumarka Ay Ku Helaan Amniga Ugu Fiican

    "Waddanka Slovenia ayaa noqday dalka ugu sarreeya dhinaca amniga nabadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waddanka Slovenia ayaa noqday dalka ugu sarreeya dhinaca amniga nabadda"



Inkastoo ay sii kordheyso tirada dadka kalinimada ku safra, dumarku weli waxa ay la kulmaan caqabado marka aysan cidna wehlin. Balse waxaa jira dalal ku fiican sigidda amniga haweenka, kuwaasoo ay waqtiga ugu fiican ku qaataan gabadhaha safarka ku taga.

 

Ka dib markii muddo dheer uu socdaalka adduunka u xayirnaa cudurka corona awgiis , dadku hadda ma sugaan inta ay ka helayaan qof u raaca sfaraddooda ama lamaane. Sidaas awgeed waxaa aad u sii kordhaya tirade dadka waddamada dibadda ku aadaya kalinimada, gaar ahaan dumarka.

 

Daraasad ay sameysay hay’ad fadhigeedu yahay dalka Norway ayaa lagu sheegay in saddexdii qof ee caalamka u sarfa uu mid ka mid ah yahay qof keligiis socda. Sidoo kale, waxaa si xowli ah u sii badanaya dumarka da’doodu weyn tahay ee socdaalaya.

 

Cilmi baariska ayaa lagu sheegay in sanadkii 2022-ka ay dumarka da’doodu tahay 65 sano iyo wixii ka sarreeya kuso bateen safarrada caalamiga ah.

Sanadkii 2019 waxay dumarka da’daas ah ee safra ahaayeen 4% halka 2022 ay gaareen 18%, marka la eego dadka keligood safra.

 

Iyadoo ay tahay in dumarka ay nabad ku helaan meel kasta oo dunida ka mid ah haddana xaqiiqda jirta ayaa ah in weli ay haween badan meel walba kula kulmaan cunsuriyad iyo cabsi shakhsi ahaaneed.

 

Kuwani waa shanta waddan ee ugu sarreeya liiska dalalka ay nabadda ugu badan ku helaan dumarka, sida aan kasoo xigannay xogta Jaamacadda Georgetown ay ka diyaarisay nabadgalyada dumarka.

 

Slovenia

Waddanka Slovenia ayaa noqday dalka ugu sarreeya dhinaca amniga nabadda ee Bariga iyo Bartamaha qaaradda Europe.

 

Sanadihii lasoo dhaafay ayuu waddankan sare u sii qaaday xaqiijinta amniga haweenka, waxaana nabad buuxda ku heysta 85% ka mid ah dumarka ku nool dalkaas.

 

Rwanda

Dalka Rwanda oo baarlamaankiisa ay u badan yihiin tirade haweenka, waxa uu adduunka oo dhan kaalinta koowaad uga jiraa dhinaca sinnaanka jinsiyadda ee Aqalka Baarlamaanka, sida lagu qeexay xogta Jaamacadda.

 

Kaalinta lixaad ayuu waddanka Rwanda uga jiraa dunida marka laga hadlayo xaqiijinta sinnaanta ragga iyo dumarka.

 

Imaaraadka Carabta

Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalka ay nabadda ugu badan ku helaan haweenka ku nool guud ahaan dalalka Khaliijka.

 

Waxa uu sidoo kale kaalinta koowaad uga jiraa xaqjinta nabadda dumarka, iyadoo 98.5 ka mid ah dumarka dalkaas ee ay da’doodu ka sarreyso 15 sano sheegaan in ay nabadgalyo dareemaan marka ay kaligood socdaan xilliyada habeenkii. Magaalada Dubai ayaa si gaar ah loogu aqoonsaday magaalada ay amniga ugu weyn ku helaan dumarka keligood safra.

 

Japan

Japan waxa u uku jiraa liiska tobanka dal ee ugu amniga fiican caalamka, sida lagu xusay xogta hay’adda daraaseysa nabadgalyada caalamka. Aad ayey u yar yihiin dambiyada ka dhaca dalkaas.

 

Waxa uu waddankan leeyahay gawaari dhulka hoostiisa marta oo ay raacaan dumarka oo keliya. Sidoo kale waxaa ku yaalla hoteello loo oggolaado haweenka keliya.

 

Norway

Norway waa waddanka kaalinta koowaad uga jira xaqiijinta amniga dumarka ee guud ahaan dunida.

 

Kama jiraan cabashooyinka la xiriira cunsiriyadda dhinaca sharciga ee ay la kulmaan dumarka. Waxa uu dalka Norway sidoo kale ka mid yahay tobanka waddan ee heerka ugu sarreeya ka gaaray xaqiijinta sinaanta ragga iyo dumarka. Waxaa kale oo xusid mudan in u uku jiro dalalka ay ku nool yihiin shacabka ugu farxadda badan.

 

BBC


Loading...
Loading...