"Dagaalka iyo Doorashooyinka Waa Kala Gaar" Xildh. Axmed Inni

0
Sunday April 02, 2023 - 12:30:05 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dagaalka iyo Doorashooyinka Waa Kala Gaar" Xildh. Axmed Inni

    "Somaliland ayaa weli waxa ka jira muran ku saabsan doorashooyinka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland ayaa weli waxa ka jira muran ku saabsan doorashooyinka"

 



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Axmed Inni oo kamid ah golaha wakiilad Somaliland ayaa sheegay inay kala duwan yihiin doorashada iyo dagaalka ka socda magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in awalba doorashooyinka Somaliland aanay dalka kawdaa dhici jirin.

 

"Dagaalka iyo Doorashooyinka waa kala gaar, Waxa jiray Gobolo badan oo aan Doorashooyinka laga qaban jirin xaaladdo jira awgeed ama dagaal ha ahaado ama xaalado kala ha jiraan"Xildhibaan Axmed Inni oo kamid ah golaha wakiilad Somaliland.

 

Somaliland ayaa weli waxa ka jira muran ku saabsan doorashooyinka madaxtooyada iyo doorashada ururada ta lahorqabanayo.

 

Xisbiyada Mucaaradka ayaana ku doodaya in doorashada madaxtooyadu tahay doorashada shaci ahaan soo horaysa, halka Muuse Biixi uu ku doodayo in ay tahay doorashada ururada siyaasada ta hordhacaysaa.

 

Beesha caalamka ayaana Muuse Biixi usoo jeedisay dhawr jeer oo kala duwan in uu qabto doorashada.


Loading...
Loading...