Maxay Tahay Baastada Ay Isku Heystaan Talyaaniga Iyo Mareykanka?

0
Sunday April 02, 2023 - 10:19:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Baastada Ay Isku Heystaan Talyaaniga Iyo Mareykanka?

    "Waxay ahayd isku darka caqliga dad Talyaaniga iyo Mareykanka u dhashay,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay ahayd isku darka caqliga dad Talyaaniga iyo Mareykanka u dhashay,"

 



 

Maqaal lagu sheegayo in baastada nooca carbonara ay asalkeeda ka timid dalka Mareykanka ayaa caro ka abuurtay dalka Talyaaniga, iyadoo gudaha Mareykankana ay dadku doonayeen inay ogaadaan waxa ay tahay baastadan. Balse halkee ayay cunnadan dhab ahaantii ka timid, maxayse dadku aad ugu daneynayaan?

 

"Haatan, wax kale kama hadli karno," saaxiibtey, oo ah weriye arrimaha dibadda ka faalloota kuna sugan Rome, ayaa sidaas igu tiri. Kama aysan hadleynin siyaasad, balse waxay ka hadleysay baastada carbonara. Daqiiqado yar kaddib farriinteeda, saaxiibkey oo qoraa ah kana soo jeeda New York ayaa ii sheegay in si dhaqsi ah loogu soo diray Rome si uu u baaro mowduucan. Ayay tiri weriyaha BBC Anna Bressanin oo warbixintan diyaarisay.

 

Taariikhdu markii ay ahayd 23 March, isla waqtigii Talyaanigu uu cuntadan u gudbiyay Liiska Dhaxalka aan la taaban karin ee Unesco, ayaa wargeyska Financial Times wuxuu daabacay maqaal uu khabiirka cuntada ee reer Talyaani Alberto Grandi ku sheegay in carbonara ay markii hore hindiseen dad Mareykanka u dhashay oo ku noolaa Talyaaniga kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sheegashadan ayaa caro ka abuurtay gudaha Talyaaniga. "Weerar aan macquul ahayn!", ayay dhaheen bahda beeraha ee Coldiretti, halka ay baraha bulshada dalkaas ka abuurtay dood weyn. Maxay tahay sababta uu qof walba arrintan u daneynayo? Yaase hindisay carbonara-da dhabta ah?

 

"Waxay ahayd isku darka caqliga dad Talyaaniga iyo Mareykanka u dhashay," ayay tiri Eleonora Cozzella oo wax ka qorta arrimaha cuntada una dhalatay Talyaaniga. Waxay lix sano ku qaadatay inay ka warranto Maalinta Qaranka ee Carbonara oo 6 April laga xuso Talyaaniga, waxayna ka fursan weysay qoridda buug ay ugu magac dartay The Perfect Carbonara kaasoo abaalmarin caalami ah ku guuleystay sanadkii 2020.



Cozzella ayaa wareysiyo ka qaadday carruurta dadkii sanadihii 1940-meeyadii kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, cunnada siin jiray askarta Mareykanka ee ku sugneyd deegaanka Trastevere, oo u dhow Webiga Tiber ee Rome. Askarta ayaa dadka weydiisan jiray "quraac baasto ka sameysan": ukun, hilib doofaar iyo baasto. Xilligaasna, inkastoo dalkaasi uu cagihiisa ku taagnaa, dadka reer Talyaani ayaa cunnooyinka milatariga loogu talogalay ka iibsan jiray suuqa madow waxaana ka mid ahaa hilib doofaar oo ay Ameerikaanka ka iibsan jireen iyo ukun budo laga dhigay oo ay askarta Britain ka iibsan jireen.


Markii ugu horreysay qaabka loo sameeyo carbonara waxaa jaraa’iddada Mareykanka lagu daabacay sanadkii 1952. Buugga Vittles and Vice oo ay qortay Patricia Bronté waxay ku xustay qaabka ay baastadan u kariyaan maqaayadda Armando's – oo ay leeyihiin Pietro Lencioni iyo Armando Lorenzini.

Lencioni oo ku dhashay Mareykanka ayna dhaleen waaliddiin Talyaaniga u dhashay, wuxuu ku barbaaray Tuscany oo Talyaaniga ah balse wuxuu Mareykanka u guuray kahor inta uusan gaarin da’da 18. Baastadiisa carbonara waxay ka koobneyd ukun, hilib doofaar iyo farmaajo.


Cidna ma aysan qeexin meesha ay baastada ka timid. Runtii, waxba igama gelin cidda hindistay.

"Cidna ma aysan xusin qofka hindisay," ayuu yiri Alessandro Pipero, oo cunno-kariye ka ah maqaayadda Pipero oo ku taalla Rome, kaasoo loo yaqaanno mid ka mid ah boqorrada carbonara. "Runtii, waxba igama gelin cidda hindistay," ayuu intaa raaciyay.

 

Taas beddelkeed, Pipero wuxuu daneeyaa arrimo kale, sida "in si xad dhaaf ah loo guduudiyo" hilibka doofaarka, waa hannaan uu hilibka ku guduudinayo digsiga.

 

Baastadiisa carbonara aad ayay jaalle u tahay maaddaama uu 60-kii garaam ee baasto u isticmaalo keliya ukunta qeybta jaallaha ah. Wuxuu ku qasaa farmaajo, barbarooni iyo dufanta kasoo baxday hilibka la shiilay.

 

Haddii aan weli dooneyno inaan kala qeybinno asalka halka ay cuntadan ka timid, waa in la ogaadaa in markii ugu horreysay qaabka ay Talyaanigu u sameystaan carbonara lagu daabacay bishii August 1954 wargeyskii La Cucina Italiana. "Waana mid la yaab leh," ayuu yiri Cozzella. "Waxaa ku jirta caleenta la yiraahdo parsley iyo xitaa waxyaabo kale! Waa sida inay maqleen uun balse aysan aqoon waxa ay ka qorayeen."

 

"Dooddan waa mid yaab leh oo khatar ah," ayay tiri Michele Fino, oo bare culuumta sharciga ka dhigta Jaamacadda Gastronomic Sciences of Pollenzo, taasoo arrintan u aragta "war qadiimi ah". Grandi ayaa markii ugu horreysay asalka carbonara ku xusay buuggii uu soo saaray 2018 ee loogu magac daray Denominazione di origine inventata, waxaana taageeray buuggiisan qoraa Luca Cesari oo isna ku xusay buuggiisii cunto karinta ee 2021 ee The Discovery of Pasta: Sida uu qabo Fino, dooddan waa mid halis ah maaddaama ay caro qaran abuuri karto.” Ayuu yiri.

 

Fino, oo jecel qaabka saynis ahaan ee Carbonara ay u sameyso Dario Bressanini, sababo la xiriira "ukunta oo sideeda biyo biyo u ah", ayaa aaminsan in dadka Talyaaniga ay aad u donayaan inay ogaadaan asalka meesha ay ka timid cuntadan.


Marka, maxaynu aad ugu dooneynaa inaan wax ka ogaanno arrintan? Dadka reer Talyaani, cuntadu waxay uga dhigan tahay daryeel iyo jaceyl. Cozzella, oo taageersan qaabka ay Carbonara u sameuso Arcangelo Dandini, ayaa sheegtay in mar walba oo qof aad jeceshahay uu kusoo waco xilliyada duhurkii, ay su’aasha ugu horreysa ku saabsan tahay cunto: "Wax ma cuntay?" Isla markaana qoysaska Talyaaniga ay mar walba ku murmaan miiska cuntada. Waxyaabaha ugu badan ee lagu muro: Biyaha ma waxaad cusbo ku dartaa kahor mise kadib markay karkaraan? Mayonnaise maku dari kartaa saladhka? Xoogaa sokor ah maku dari kartaa tomaatada haddii ay aad dhanaan u tahay? Iyo dabcan, yaa dhadhamin doono baastada? Cidna ma dooneyso inay sidaa sameyso; ma doonayaan inay mas’uuliyad qaataan. Sida qaalibka ahna, cuntadu waxay ku soo dhammaataa mamma (hooyada), dadka reer Talyaani, gaar ahaan ragga, waxay aaminsan yihiin in mamma aan looga daba hadlin cuntada wax walba oo dhaca.

 

Wax shaki ah kuma jiro in asalka carbonara ay ka timid Talyaaniga.

 

"Wax shaki ah kuma jiro in asalka carbonara ay ka timid Talyaaniga," Cozzella ayaa sidaasi tiri. Waa inaynaan isku khaldain taariikhda iyo asalka. Carbonara waqtiba waqti way is beddeleysay, sida aan annaguba isu beddelno. Inkastoo laga yaabo in cuntadan ay ka timid xiriirka Talyaaniga iyo Mareykanka, Cozzella waxay sheegtay in lagu qasbi doono inay dhahdo in carbonara ay kasoo jeeddo Mareykanka.

 

BBC

Loading...
Loading...