Imtixaankii Shahadiga Ahaa Ee Dalka Oo Soo Xidhmy. Qore Dr buux ibraahim aadan

0
Saturday June 22, 2019 - 09:58:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaankii Shahadiga Ahaa Ee Dalka Oo Soo Xidhmy. Qore Dr buux ibraahim aadan

    Maanta waxa si wanaagsan oo sharaf iyo cadaalad ah uga soo gabagaboobay dhamaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxa si wanaagsan oo sharaf iyo cadaalad ah uga soo gabagaboobay dhamaan dalka jsl imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada 4aad dugsiyada sare iyo  fasalada 8aad dugsiyada dhexe  ee gobolada iyo degmooyinka dalka jsl  dhamaan waa guul usoo hoyotay qaranka jsl iyo wasaarada waxbarashada iyo sayniska jsl oo aynu hormood u nahay mandaqada geeska africa sida xasiloomida cadaalada ee uu ku soo dhamaaday  imtixaanka shahaadiga ahi jsl 



Mandaqada geeska waxa u horyaal u  ah jsl sida wanaagsan ee uu uga qabsoomay imtaxankii  shahaadiga ahi   halka jabuti iyo somalia oo dalal la aqoonsan yahay ahi ay ku fashilmeen  qabsoomida imtixaanka shahaadiga ahi taasi waa guul uu gaadhay qaranka jsl oo hormood uu u yahay wasiirka wasaarada waxbarashada jsl profesor osman jama adan

 

Dalkeena jsl aqoonsi cadaalada iyo sinaan ayaa ka iftiimay  maanta waa guul  guul  hambalyo hambalyo  wasiirka waxbarashada somali land uu u soo hooyey  mandaqada geeska africa iyo qaranimada jsl

Maanta arday kasta oo dhigta iskuulada dalka jsl  waxa uu si fudud u haystaa buugag daabacan oo uu ku akhrisan karo gurigiisa maado kasta  oo uu barto    taa macnaheedu waxa weeye waxqabadka ka muuqda   madaxwaynaha jsl mudadii uu xilka madaxwaynanimo uu  qabtay

 

Madaxwaynaha jsl mudane muse biixi abdi  waxa uu u soo xulay waxbarashada dalka aqoonyahan iyo maamul daacadnimo hawlkarnimo  guuraysa

 

Tacliinta dalka jsl waxay maanta maraysaa heer uu dareemi karo qof kasta oo ku nool gobolada dalka jsl  

Tacliintu dadkay hagtaa dalkay horumarisaa  waa iftiinka noolasha  wasiir cismaan aadan iiman waa wasiirka kaliya ee dhaqaajiyey waxbarashadii dalka jsl


Waa wasiirka kaliya ee uu madaxwaynaha jsl  uu ku keenay xul aqooneed sidoo kale waa wasiirka kaliya ee aan lahayn staff  daba carara ama ilaaliya   taa macnaheedu waxa weeye isbadalka ka muuqda wasiirada dalka hada maamula sida madaxwaynaha jsl uu usoo xulay wasiirada sida profesor osman aadan iiman  waxa dhamaaday waqtigii  xalka ee magacaabista wasiirada laga soo dhex xuli jiray  salaadiinta beelaha jsl ay ka soo jeedaan


Waxa marna aan la hilmaami karayn  heerka maanta ay marayso waxbarashada dalka jsl ilaa kor  ilaa hoos

Wali maan arag wasiir ku fadhiya kursigiisa shaqo  8hrs oo aad ka ka heli kartid xafiiskiisa saacadaha shaqada qof kastana si fudud uu ula kulmi karo isagoo xor ah  iyadoo aanay kaa hor istaagayn ciidan gaar u ah oo ilaalada wasiirda  ah


Wasiirka waxbarashada  jsl waa shamac ka dhex iftiimaya  golaha wasiirada ee dalka marka loo eego xulka madaxwaynaha jsl uu u soo xulay aqoonyahan ruugcadaaya oo ku kalsoon shaqada iyo aqoonta waxbarasho ee madaxwaynaha jsl uu u soo xulay una igmaday wasiirka waxbarashada dalka jsl


WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...