Baadi-doon: Xalka Saamiqaybsiga Wakiilladu Sidan Buu Ku Jiraa.W/Q: Bile Cumar Daahir (Xalliye)

0
Saturday June 22, 2019 - 09:45:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadi-doon: Xalka Saamiqaybsiga Wakiilladu Sidan Buu Ku Jiraa.W/Q: Bile Cumar Daahir (Xalliye)

    Ka dib marxalado badan oo ay Somaliland soo martay, muddadii rubuc qarniga ka badnayd,ee ay jirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib marxalado badan oo ay Somaliland soo martay, muddadii rubuc qarniga ka badnayd,ee ay jirtay.

Waxa sannadihii u danbeeyay xujo adeg noqotay,waxa laga yeeli doonosaami qaybsiga golayaasha sharci dajinta (Guurtida iyo Wakiillada ).Ha ugu sii hadal hayn badnaanto saami qaybsiga golaha Wakiillada, oo doorashadiisa shacabku naawilayeen, sannadihii u dambeeyay. Aamusnaanta iyo wax ka qabasho la’aanta ay madaxda  qaranku  kaga falceliyeen,  saami qaybsiga golaha Wakiillada, ayaa shacabka ku abuurtay dareen togan,tuhunna galiyay matalaadda muwaadineed iyo ta deegaan ee muwaadinku xaqa u leeyahay,iyada oo dhanka kale na sii carisay dooddii ahayd in aan Somaliland lawada lahayn. Iyada oo tusaale loo soo qaadanaayo qaabka uu hadda yahay saami qaybsiga kuraasta golaha wakiillada iyo suuro galnimadda in kuraasta golaha wakiillada loo qaybiyo qaab dhismeedka hadda uu aqalka wakiilladu ku dhisan yahay.



Waxaamuuqdadariiqooyin badan oo lagu xalin karo dhibaatada ka taagan saami qaybiga kuraasta Baarlamaanka. sida in dadka la tirikoobo oo tiradaasi lagu saleeyo xubnaha barlamaanka, amma se in la sameeyo siyaasad deegaan doorasho iyo jidad kale oo la mid ah.


Ha se ahaatee waxaa intaaba ka muhiimsan in xalka dhibaatadaa lagu saleeyo sida u rabo amma ay isaga ula muuqato  mudaawinka qarannimadu ay idinka dhaxayso ee ku nool Badhan, Talleex, Buuhoodle,  Saylac iyo Baki. Ee qaba dareenka ah,in Somaliland bulsho gooni ihi ay isku koobtay.


Dabcan, iyada oo bulshooyinka Somaliland ku nooli ay kala tiro badan yihiin, kala badnaan taasi waxa ay bulashada dhexdeeda ku keentay sawir aamineed u muuqda in aan wax lawada yeelan Karin, ee la is muquuninaayo. Muuqaalka caynkaasi ahi waxa uu keenay in ay kordhaan dhibaatooyinka bulsheed ee Somaliland ka jirra. taas baddelkeeda waa in bulshada tiro badnaanto ay ka muuqatoay la timaaddo tanaasul iyo isu dheellitir, badnaantoodu na ay dhaxal siiso in ay wax bixin karaan si aynu qaranka u xalaalayno.


Innaga oo maanka ku hayna duruufaha jira, waxaa xaq la inoogu lee yahay in la is tusi karo in wax la wada yeelan karo, in aan abuurno jawi ah,in mudaawinka Dhahar ku nooluu wax la qaybsan karo muwaadinka Hargaysa ku nool, in muwaadinka  Lawyo-caddo ku nooli uu wax la lahaan karo muwaadinka Togdheer ku nool, in  muwaadin ka Buuhoodle ku nooliuu wax la yeelan karomuwaadinka Berbera ku nool.Taasina waxa ay ku imanaysaa in bulshada tuhunka la bidayo ay la timaaddo aragtida maanta jirta mid ka duwan oo ah sidii aynu qaranka tacabka baddani inaga galay loo gu abuuri lahaa jawi caafimaad qab ah oo wadalahaanshiyo muujinaaya.


Baarlamaanku dawladnimadan casriga ah waa qayb ka mid ah saddexda rukun ee ay dawladdu ka kooban tahay oo kala ah sharci dajin,garsoor iyo fulin. Shaqada uu golaha barlamaanku dalka u qabto,waxa ugu muhiin san:

Ø  Ansaxinta barnaamijyadda xukuumadda, sida misaaniyadda iyoheshiiisyada calaamiga ah

Ø  Samaynta iyo wax ka badalka shuruucda dalka

Ø  Dabagalka shaqadda xukuumadda

Ø  Falaqaynta arimaha waaqiciga ah ee dalka ka jira

Ø  Matallaada shacabka iyo deegaanadda


Iyada oo ay mudan tahay in laga fikiro waayaha uu maanta dalku ku sugan yahay, wax na la iska waydiiyo dariiqa ugu habboon ee lagu gufayn karo gal-daloolooyinka badan ee jira waain aqalka baarlamaanka ee dhawaan la dooranaayo saami qayb sigiisa lagu saleeyo awoodda aqlabiyadda fudud oo noqonaysa in bulshada Somaliland ugu tiradda badan ay hesho matalaad ah(simple minority) bulshooyinka kale na ay wadar ahaan helaan matalaad ah (simple majority) oo ay  golaha wakiillada kaga dhex muuqan karaan, taasi oo noqonaysa in  marka ugu horaysa  tirada xubnaha baarlamaankamin afar iyo toban xubnood la siiyo shantii gobal ee Somaliland lagu sameeyay oo kala ah ( Maroodijeex 14, Awdal 14, Togdheer 14, Sool 14, Sanaag 14, 5x14=70.


Seddexda degmo ee Berbera oo haddaah degaan gobal ahaan loola macaamilo iyo degmada Saylac oo ah degmo qadiimi ah iyo degmada badhan oo matalaad gooni ah u baahan sobabo deegaan awgeed in la siiyo seddex daa degmo min afar(4) xildhibaaan, wadartooduna noqonayso laba iyo toban (12)xildhibaan.


Si uu saami qaybsigaasi u noqdo mid wada raalli galiya guud ahaan muwaadiniinta reer Somaliland waa In shantaa gobalna min hal xildhibaan looga sii jaro muwaadiniinta uu saran yahay culayska hayb soocu, kolkaa waxa ay sidaa ku heli doonaan muwaadiniintaasina xildhibaanno tiradoodu tahay shan(5) xildhibaan. shantaa xildhibaan waxa ay  noqonayaan sadex xildhibaan oo ka go’aya waddarta goballada Maroodi jeex Togdheer iyo Sanaag oo beesha dhexe ka go’aaya iyo laba xildhibaan oo ka go’aaya wadarta xildhibaannada Sool iyo Awdal oo ka kalla go’aaya bulshada darafyada.


Haddii reer ay Awdal la soobaxaan afar iyo toban (14) xildhibaan oo mid ka mid ihi yahay dadka lahayb sooco ee Awdal ku nool, degmada Saylac na beesha Ciise ay kala soo baxaan saddex(3) xildhibaan.Beesha Samarroonna hal xildhibaan ka helaanSaylac.waxa ay isu gayntu noqonaysaa afar iyo toban(14) xildhibaan oo bulshada Samarroon ah iyo saddex xildhibaan oo bulshada Ciise ah iyo hal xildhibaan oo ah bulshada Gabooye ee la hayb soocayah ee Awdal deggen.Waddarta xildhibaanno ee gobolkaasi haystaana waxa ay noqonaysaa siddeed iyo toben (18)xildhibaan oo gobalka Awdal matala.

 

Haddii bulshada Harti ay gobolka Sool kaw iyo toben (11) xildhibaan oo Dhulbahante ah ka hellaan. Buuhoodlana kala soo baxaan saddex(3) xildhibaan oo Dhulbahante ah.Sanaagna afar (4) xildhibaan ka hellaan, saddex (3) Dhulbahante ah iyo hal Waransagali ah. Oo waliba ay bulshada Harti Badhanna kala soo baxaan afar(4) xildhibaan oo Warsangali ah.Halkaa waxa ay ku heli doontaa beesha Hartitoddoba iyo toban (17) xildhibaan oo Dhulbahante ah iyo shan (5)xildhibaan oo Warsangali ah, waddartooduna waxa ay noqonaysaalaba iyo labaatan (22)xildhabaan oo loo qorsheeyay in ay ka soo baxaan deegaannada beesha Harti ay degto. Halkii Kursi eeaynu uga qoondaynay beelaha la haybsooco in kooto loogaga xidho gobol walbamarka laga jaro waxa ay noqonaysaa in Harti Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari ay ka helaan kow iyo labaatan(21) xildhabaan. Laguna kordhiyay hal xildhibaan oo dadkala hayb sooco ka helayaan Sool waddarta xildhibaanno ee ka iminaaya deegaannada Sool Sanaag bari iyo Buhuudle waxa ay sidaa ku noqon doonaan laba iyo labaatan (22) xildhibaan.


Haddii saddex iyo toban (13) xildhibaan ay beesha dhexe ka heshogobolka Maroojijeex,gobolka Saaxilna ay ka heshoafar (4) xildhibaan,gobolka Togdheerna ay ka hesho toban(10) xildhibaangobolka Soolnaay ka hesho saddex (3) xildhibaan,gobolka Sanaagna ay ka hesho sagaal (9) xildhibaan. Wadarta xildhibaanno ee bulshada Isaaq helaysaa waxa ay noqonaysaa sagaal iyo soddon (39) xildhibaan oo bulshada isaaq ah iyo saddex (3) xildhibaan oo dadka la hayb sooco ay ka helayaan goballada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Sanaag wadar ahaan waxa ay noqonayaan xildhibaannada ka soo baxaaya deegaanna ay bulshada dhexe (isaaq) majority ka tahaylaba iyo afartan (42) xildhibaan oo kala ah. Sagaal iyo soddon (39) xildhibaan oo bulshada Isaaq ka imanaaya iyo saddex (3)oo dadka la hayb sooco ka imanaaya.

Degaanadda

Tiradda xildhibaanda

Boqolayda

Isaaq

39

47.6%

Samaroon + Ciise

17

20.8

Dhulbahante + warsangalli

21

25.6

Beelaha la hayb sooco

5

6.1

Wadarta Guud

82

100%

 

Haddii sidan wax loo qaybsado xaalku waxa uu noqonayaa in bulshada isaaq ay barlamaanka ka hesho 39 bulshooyinka kalena ay helaan saddex iyo afartan (43) Xildhibaan.

Bulsho

Xubnaha Barlamaanka

Boqolayda

Bulshada Isaaq

39

47.6%

Bulshooyinka kale

43

52.4%

 

 

 


waxaa kale oo saami qayb sigan lagu sallayn karaa kootadii haweenka oo noqonaysain shantaa gobal ee waawayn kooto loogu xidho gobalkiiba saddex (3) kursi taasi oo noqaysa in shan iyo toban (15) xildhibaan haweenku ka haleen wakiillada, boqolay ahaanna noqonaysa 18%.

v 

Haddii ay qumanaato in hanaankan golaha wakiillada Somaliland lagu xalaaleeyo maxaa is beddel ah ee xisaabtan ku iman kara?Su’aashaas jawaabteedu waxa ay noqonaysaa.


Ø  haddii aan si fiican looga hawl galin diiwaan galinta iyo diyaarinta muwaadiniinta ku nool laascanood, Buhoodle iyo deegaannada durugsan ee Sool waxa ay keenaysaa in tiradaasi hoos u dhac wayni ku yimaaddo.

Ø  haddii aan degmadda Laascaanood dadkeeda si fiican loo diwaangalin waxa dhici karta in degmadda Caynaba oo dadkeedu diiwaan gashan yahay tiro ahaan ka xildhibaanno badato degmadda laascaanood ee magaalo madaxda u ah gobalka ay ka wada tirsan yihiin.Isla markaana ay degmada Caynaba korodh siimo ku keento tiradii xildhibaannada beesha Isaaq.

Ø  Waxaa kale oo dhici karta in beelaha tiro badnaan is bidaaya ee dalka ku nooli,ay qawadaan sidan wax loo qaybiyay gaar ahaan beelaha Isaaq.

xalka dhawaaqa ka soo bixi doona saami qayb sigan

Ø 

Haddii ay inoo muuqato doorashada kahor, in aanay Buuhoodle ka suuro gali karin in bulshada Dhulbahante ay ka helaan saddex (3) xildhibaan waa in la curiyo siyaasad degaan matalaadeed oo ah in si badheedh ah oo sharciyaysan loogu kooteeyo saddex (3) xildhibaan Bulshada Dhulbahante.

Ø  in bulshadda Isaaq la tuso in sida ay  Somaliland ku samata bixi karto dood loo furo fartana loogu fiiqo in sida Somaliland loo xalaalayn karaa ay tahay isu tanaasul.


Waxaan ku soo gabogabaynayaa,beri baa,bulsho meel ku wada noolayd,nin bulshadda ka mid ihi waxa uu dadaal xooggan galiyay oo wakhtigiisii u huray sidii bulshadu ay nabad caddaalad iyo gacaltooyo ugu wada noolaan lahayd.Waxa uu duuniyaddiisi iyo daryeelka qoyskiisiba u dayacay in uu bulashada wanaaggeedaka shaqeeyo. Maalin isaga oo daallan oo dad bulshada ka mid ahaa mag iyo xoolo u soo kalla qaaday,soona heshiisiiyay,ayaa uu u yimid nin ay walaalo ahaayeen oo xoolo badan tabcaday, degaankana kula nool.Ninkii ayaa ku yidhi "waar walaalo maad waxan iskaga dhex baxdid oo aad reerkaaga iyo xoolahaaga dhaqaalaysatid?”ninkii waxa uu ugujawaaabay "xoolaha intaa leeg iyo barwaaqadaa maad ku noolaan lahayd haddii aanan ka shaqaynayn wanaagga bulshada”. In ka badan sideetan kun (80,000) oo arday hargaysa oo kaliya umay kallaheen subaxii dugsiyada waxbarashada haddii aanay Somaliland jirin. In ka badan  soddan kun (30,000) oo arday sannadkii umay fadhiisteen imtixaan qaran, haddii aanay somaliland jirin. In ka badan toben kun (10,000)oo arday jaamacadaha dalka kamay soo baxeen haddii aanay Somaliland jirin. Dhaqaalle ku dhaw laba (2) bilyan oo dollar innama dhex wareegeen haddii aanay Somaliand jirin.Dad ku dhaw shan (5) milyan oo ruux oo nabad ku naaloonayaana may jireen, taasi badelkeeda qaxooti iyo darxumo aynu horre u soo aragnay ayaa la waajihi lahaa haddii aanay Somaliland jirin.

 

Qofkasta oo Somalilander ah, ha ahaado wax-garad siyaasi, sheakh,aqoonyahan, oday dhaqameed, ganacsto iyo Ardayba waxa ay dantu innaguqasbaysaain aynu ka fikirno, oo aynu is waydiinno, oo aynu meel u fadhiisanno sidee ayaynu qaybaha kala duwan ee bulshadeenna iskugu soo dhawayn karnaa oo aynu iskugu hayn karnaa? Sidee ayaynu dalkeennaduruufaha adagee ku weegaarsan aynu uga saari karnaa? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawlad nimo micno u samayn karta ninka dhallinyarada ah ee ku nool Xingalool iyo Lughaya ee qaba welwelka mustaqbal? Sideeayaynu u dhisan karnaa dawlad nimo ka jawaabi karta dhibaatada haysata ninka dhallinyarada ah ee mushahar u qaata laba boqol oo dollar ($200) ee gabadhiisa oo u malaysa, lagu qalaayo dhakhtar gaar loo yeehay lacagtiisuna ay tahay kun dollar ($1000) wax ku dhaw oo aanu awoodin? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawlad nimo ka jawaabi karta muwadinka  dhibaato caafimaad soo waajahayso ee  lacag ka badan labaatan kun oo dolar ($20,000)oo aanu awoodin dalkadibadiisa loogu qaadayo? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawlad nimo furdaamin karta dhibaatada ah, in dad gaadhaya laba milayan uu ruux oo ku nool maroodi jeex ay kuyuu u galaan hal dhakhtar dawladeed oo hargaysa ku yaalla? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawladdnimo sharxi karta sobabta qoyska caasimaddii dalka ku nooli ay biyo la’aani ugu hayso muddo rubuc qarni ka badan? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawladnimo wax ka qaban karta nolasha qaaliyawday, ee muwaadiniin badan ku keentay khalkhal xagga maskaxda ah? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawladnimo ka jawaabta hooyada duleedka banka karaam ku ummalaysa ee ka madhan dhammaan adeeg caafimaad? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawlad nimmo ka jawaabta bulshadda Somaliland ku nool ee lagu qiyaasay shanta milyan, ee wax kale ha joogeenne halka xabo ee tamaandhada ah iyo midhka liinta ah ee ay quutaan dibadda looga soo dhoofiyo? Sidee ayaynu u dhisan karnaa dawlad ay ku qanacsan yihiin bulshooyinka Somaliland oo dammaanad siinaysa in xaqooda laga dulmiyin bulshooyinka laga tiradda badan yahay? Sidee ayaynu u dhisi karnaaa dawlad nimodammaanad qaadi karta mustaqbalka malaayiinka dhallinyarro ah ee ku nool Somaliland?

 

Bile Omer Dahir

[email protected]

 

Loading...
Loading...