Labaatan Saxafi Oo Lagu Beegsaday Mudaharaadada Ka Socda Kenya
In ka badan 20 saxafi
ayaa la weeraray, labadii toddobaad ee ay socdeen mudaharaadadii lagaga soo
horjeeday xukuumadda Kenya. Sida laga soo xigtay xarunta warbaahinta ee Kenya,
weeraradan ayaa sare u kacay tan iyo markii ay debedbaxyadu bilaabmeen, waxaana
saxafiyiinka muuqaalada duuba iyo kuwa sawirada qaadaa ay bartilmaameed u
noqdeen, debedbaxayaasha xukuumadda taageersan iyo kuwa ka soo horjeedaba.
Golaha warbaahinta ee
Kenya ayaa dalbanaya in baadhis lagu sameeyo tacadiyada loo geystay
saxafiyiinta.
Njeri Gathumbi, oo ah
sawirqaade u shaqeeya telefiishanka Nation TV ee dalka Kenya, oo ka mida
saxafiyiinta soo tebiya debedbaxyada, ayaa sheegtay in toddobaadkii ugu
dambeeyey uu ka sii adkaa toddobaadkii ka horreeyey.
"Haddii aad aaddo
dhinaca ciidamada booliska, waxaad khatar ugu sugan tahay dhagxaantu inay kugu
dhacaan, haddii aad tagto dhinaca debedbaxayaashana, waxaa ku garaacaya
dadweynaha, sidoo kale ciidamada booliska ayaa kugu qarqinaya sunta dadka kaga
ilmaysiisa" ayay sheegtay.
"Mararka qaarkood
inaad sawiradaas qaaddo, waa arrin aad u adag, waa inaad isku qarisaa meel aad
kaga dhuuman karto booliska iyo shacabkaba, khaasatan marka ay
isweydaarsanayaan dhagxaanta iyo sunta dadka kaga ilmaysiisa" ayay sii
raacisay.
Saxafiyiinta lama
bartilmaameedsanayn illaa taliyaha booliska ee Japhet Koone uu ka sheegay in
debedbaxayaasha lagu maxkamadayn doono, iyada oo la isticmaalayo sawirada la
qaaday.
Debedbaxyadan ayaa
bilaabmay ka dib markii hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga uu ku dhawaaqay in
laga mudaharaado qiimaha nolosha ee cirka isku shareeray iyo goldaloolooyinka
hannaanka doorashada.
Dawladda ayaa sharci
darro ku tilmaantay mudaharaadada, waxayn ku hanjabtay inay tallaabo adag ka
qaadayso.
VOA