"Lascaanod Dhibka Ka Jira Uma Baahna Qabiilayn" Suldaanka Shiqishini.

0
Saturday April 01, 2023 - 08:54:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Lascaanod Dhibka Ka Jira Uma Baahna Qabiilayn" Suldaanka Shiqishini.

    "waxa kale oo aan caddeeyaa in xalka badbaadada dhiigga dadku ku xidhan yahay Muuse"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa kale oo aan caddeeyaa in xalka badbaadada dhiigga dadku ku xidhan yahay Muuse"



Muqdisho (HWN) Suldaanka guud ee beesha Fiqishinni, HG ee SSC-Khaatumo Suldaan Mustafe Awseed, ayaa sheegay in dhibka ka taagan Laascanood ayna meel uga banaanayn Irir Samaale, ayna tahay arin Somaliyeed.

 

"Lascaanod dhibka ka jira uma baahna qabiilayn, waa arrin Soomaaliyeed; markaa sheekada Irrir-samaale boos ugama banaana, waxa kale oo aan caddeeyaa in xalka badbaadada dhiigga dadku ku xidhan yahay Muuse Biixi, ayna tahay inuu ciidankisa Gobolka kala baxo, dadka dhulkaas Ilaahay ku beerayna in ay khiyaar u yeeshaan aayahooda siyaasadeed. Shimbiri qoorqabad biya kuma cabto." Suldaan Mustafe Awseed, Suldaanka guud ee beesha Fiqishinni, HG ee SSC-Khaatumo.

 

Hadalka Suldaanka ayaa daba socda wafdi shalay ka yimid magaalada Muqdisho oo ka degay Hargaysa, kuwaasi oo sheegay inay Yihiin Irir-samaale.


Loading...
Loading...