Hooyo 4 Caruura Maanta Ku Umushay Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda
Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji
Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta
Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.
Wasiirka ayaa gaarey
durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle
Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta
waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Caruurteeda isagoona warbixin ku
saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka
ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayey
Hooyada iyo Caruurteeda.
Wasiirka Caafimaadka Dr
Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala
bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada
kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka
Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu
magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.
Wasiirka Wasaaradda
Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali
Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu
talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha
ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon
doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.
Wasaaradda Caafimaadka
iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran
ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka
joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa hormarinta Caafimaadka iyo sidii
Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla
markaana gaara goob kasta.