Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Wadooyinka Daadku La Tagay Ee Somaliland

0
Friday March 31, 2023 - 16:43:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Wadooyinka Daadku La Tagay Ee Somaliland

    "Waxa mashruucan ka muuqata maamul xumo, masuuliyad darro iyo musuqmaasaq"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa mashruucan ka muuqata maamul xumo, masuuliyad darro iyo musuqmaasaq"

 

 

 

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal” ayaa sheegay inay tahay in xeerka ciqaabta lagu abaal mariyo shakhsiyaadka ka masuulka ah Biriishyada iyo wadooyinka uu dhaawaca ugaystay roobabka ka da’ay Somaliland.

 

"Mashruuca "Berbera Corridor” maaha hadyad bilaash laynoo siiyey balse waxaynu ku gadanay saami aynu Dekedda Berbara ka bixinay isla markaasna aynu sharkado shisheeye ah maamulkii iyo gacan ku hayntii dakaddeena ku wareejinay.

 

Waxa laysku oogaa bulshadina filaysay in mashruucaas aynu ka hello kaabayaal dhaqaale oo dhaxal gal ah.

 

Waxa ayaan darro ah in ay roobabkii ugu horeeyey waddadii iyo birijyaddii ama buundooyinkii maydhaan.

 

Waxa mashruucan ka muuqata maamul xumo, masuuliyad darro iyo musuqmaasaq.

 

Dadka arinkaa ka masuulka ah waa in la soo qabtaa oo Xeerka Ciqaabta lagu dacweeyaa. Laakiin nasiib darro ma filayo in xukuumaddan ku mashquulsan dhalinyarada Baraha Bulshada wax ku qora in ay talaabo ka qaadayso xadtooyada qaran ee ay biyuhu bulshada tuseen” Maxamuud Aadan Jaamac "Galaal” Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI.


Loading...
Loading...