Ma Sharcibaa In Loo Adeegsado Gagabin Neefka Geela Waqtiga Qaliinka Xoolaha. Qore Dr Buuh Ibrahim Juba Yaagubay

0
Saturday June 22, 2019 - 09:38:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1662
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Sharcibaa In Loo Adeegsado Gagabin Neefka Geela Waqtiga Qaliinka Xoolaha. Qore Dr Buuh Ibrahim Juba Yaagubay

    Neefka geela ma sharcibaa in bud lagu gagabiyo waqtiga qaliinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Neefka geela ma sharcibaa in bud lagu gagabiyo waqtiga qaliinka

maxuu noqon karaa caafimaad qabka  hilibkiisu ma xalaalbaa mise waa xaaran

Dawlada hoose ee caasimada hargeisa oo gabtay masuuliyadii iyo heshiiskii shirkada gaarka loo leeyahay  waa in ay dib u eegis ku samaysaa  kawaanka qaliinka caasimada oo aad u dayacan  xaaladiisa nadaafadeed  waa in shirkada  maandeeq  kawaanka  xoolaha ee maandeeq  kor u qaadan nadaafada hilibka iyo goobaha

 

sariibadaha ganacsi  ee dalka si iib dibadeed loogu helo qalinka hilibka xoolaheena sayladaha suuqyada ganacsi ee caalamka  bulshaduna u hesho hilib fayo qaba oo fresh ah



Xaalada nadaafadeed ee kawaanada dalka oo aan wanaagsanayn marka la barbar dhigo kawaanada dalalka jaarka iyo shirkadihii oo uu ku yimid dib u dhac waxqabad  horumar shrkadeed dakhliga  kazoo gala qaliinka  xoolaha nool oo aan dabooli Karin  horumarka shaqo ee shirkadaha dalka


Waa in uu jiraa nidaam maamul ee shirkadu kula socon karaan qaliinka xoolaha ee kawaanka si looga sooci karo neefka bakhtiga hilibkiisa neefka buka ama tuugada ah waa in hilibka kawaanada dalku uu lahaada shaambad qalalan oo cadaynaysa in neefkaas kawaanka shirkada lagu soo qalay  nidaam sharciya hilibkoo bacaysan


Waa in markasta aynu ilaalinaa daryeelka  caafimaad ee xoolaha nool korna loo qaada  shuruucda shaqo ee fayaqabka iyo kawaanada maamulkooda shaqo si aynu ugu heli karo in dalkeenu dibada u iibgeeyo  xoolo hilib fresh ah oo  caafimaad qaba  shirkadaha kawaanada maamula dawlada hoose ee dalku waxay  xaq u leeyahiin in ay ku sameeyaan  kormeer joogto oo shaqo maalinkasta xaalada nadaafada kawaanada iyo qalinka hilibka xoolaha nool  lagu sameeyey goobta shirkadii buuxin shuruudaha shaqo ee laga rabo in sharciyan dib looga qaado heshiiska ruqsada shaqo lala galay dibna loo iclaamiyo shirkad ka waxqabad badan  ma aha in dawlada hoose ee dalku heshiis qarsoon ay kula jiraan shirkadaha

 

Dadku waxay ku bixiyaan  lacagta qaliinka xoolaha nool si shirkadaha gacanta ku haya kawaanada dalku ay ugu keenan qaliinka hilibka neefka isagoo laga soo shaqeeyey meherada ama goobta sariibadaha dalka

 Dhaqaalaha yaraan Shirkadaha oo aan haysan gadiid u ku xidhan yahay qaboojiye si loo ilaaliyo  fayaqabka qalinka hilibka  waxa ka iman kara  xanuuno keena waxyeelo caafimaad


Goorma ayey bulshadu heli karaan hilib fresh ah oo lagugu qalay bisimka allah si fiican loo diyaariyey weelka hilibka lagu ridayo goobta sariibada ee lagu iibinaayo oo si fiican loo soo baadhay  fayaqabka qaliinka xoolaha nool

Kawaanada dalku waxa hore gacanta ugu hayey  maamulka dawlada hoose ee dalka markii ay noqotay mid dawlada hoose ay dabooli kari waayeen  nadaafada shaqo ee qaliinka  hilibka ayaa lagu wareejiyey  shirkado private ah  oo gacanta ku haya  mamulka kawaanka  magaalooyinka si ay ugu diyaariyaan  bulshada hilib fresh ah oo la soo mariyey  baadhista caafimaadka  qaliinka xoolaha


Waxaad mooda in shirkadihii loo  dhiibay masuuliyada  qaliinka xoolaha nool in ay ka jirto kawaanada dalka dayac shaqo oo nadaafad xumo keeni kara waxyeelo caafimaad daro oo ka iman karta  qaliinka xoolaha sida hadii ayna wanaagsanayn nadaafada maslakha qaliinka nadaafada gadiidka keesaska hilibka  nadaafada sariibadaha ganacsiga ee suuqa


Kawaanku waa in uu ku yaala goob ku haboon oo ka fog dhiska caasimada oo jirto hawo iyo biyo ku filan oo joogta ah  ka xafidan xayawaanka sida eyda oo ay ka hawlgalayaan drs xanaanada xolaha iyo wasaarada caafimaadka oo si wada jir ah  ula socda fayo qabka xoolaha lagu qalayo  kawaanka maalinkasta si loogu diyaariyo  bulshada hilib nadiif ah oo lasoo baadhay oo ay ku taalo shaambadii fayo qabka xoolaha


Hadii nadaafada diyaarinta qaliinka xoolahu ay la kulanto inyar oo khalad nadaafad daro waxa imankara in dhamaan ay bulshadu ku xanuusato cunista hilibka qaliinka xoolaha ama ay ku sumoobaan

 

Waxa iyana meesha ka baxday in aanay jirin kormeer shaqo oo lagula socon karo qaliinka xoolaha iyo shirkadaha gacanta loo galiyey kawaanada dalka oo uu ka muuqdo dayac shaqo nadaafad xumo iyo masuuliyad daro


Hilibka qalinka xoolaha iyo qashinka hadhaaga qaliinka waa in shirkada  ka masuulka ah kawaanada ay geeyaan goob dump sites oo gaar ah oo dareeraha dhiiga iyo hilbaha loogu talo galay oo ka fog deegaanka magaalada si loo ilaaliyo fayaqabka bulshada ku nool magaalooyinka dalka  kuna hawl galaan gadiid loogu talo galay qashin qubka kawaanada dalka


Waa in shirkaduhu ay  ilaaliyaan kawaanada iyo nadaafadooda si  aanu u noqon kawaanadii iyadoo xoolaha lagu qalayo ur iyo riiixad qadhmuun aan loo gali jirin dayacnaana eydu iyo waraabuhu ay weerari jireen  xoolaha la qalayo ee kawaanka lagu qalayo

 

 

Shirkaduhu waxay samayn karaan qorshe dib looga faaidaysto noocyada hadhaaga hilibka oo dib shirkadu ay uga heli karto dhaqaale abuur sida xiidmaha iyo dhiiga hadii ay shirkadu keenan mishiinadii dib loogu nadiifinaayey looguna diyaarinaayey waa hadii ay shirkadu ku shaqaynayso  aqoonta shaqo ee maamulka kawaanada dalka

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...