Shabeel Dad Ku Dhaawacay Boorama

0
Friday March 31, 2023 - 10:25:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabeel Dad Ku Dhaawacay Boorama

    "Cabsi iyo walwal ayaa soo wajahay bulshada ku nool degaanka uu weerarka ka gaystay Shabeelkani"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Cabsi iyo walwal ayaa soo wajahay bulshada ku nool degaanka uu weerarka ka gaystay Shabeelkani"



Wararka aanu ka helayno magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in dhawr qof ay dhaawacmeen kadib markii Shabeel uu soo weeraray.

 

Dadkan uu dhaawacyada u gaystay Shabeelku ayaa ku sugnaa duleedka magaalada Borama.

 

Muuqaalo la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya in dadkan qaarkood dhaawacyo halisa qabaan.

 

Weerarka Shabeelkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu roobkii Gu'gu curtay.

Cabsi iyo walwal ayaa soo wajahay bulshada ku nool degaanka uu weerarka ka gaystay Shabeelkani.

 

Illaa hadda macadda in la qabtay iyo in kale Shabeelkii dhaawacyada dadka u gaystay.


Loading...
Loading...