Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saaray Dagaalka Laascanood.
Mareykanka ayaa sheegay
inuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda Laascaanood, isaga oo ka
digaya in colaadda sii socota ay kordhin doonto suurtagalnimada in kooxaha
xagjirka ahi ay abuuraan xasillooni darro ballaaran oo uga sii dari doontaa
dhibaatooyinka bani'aadamnimo ee taagan.
Bayaan kasoo baxay
wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo saaxiibada kale
ee caalamka iyo dalalka deriska ah ay ku baaqayaan 'dejinta xiisadda, u
hoggaansanaanta xabbad-joojinta lagu heshiiyey, iyo dib u bilaabista wadahadal
wax ku ool ah.'
"Waxaan ugu
baaqaynaa Somaliland inay dib u soo celiso ciidamadeeda ammaanka, si ay u
muujiso sida ay uga go’an tahay mabaadi’daas. Waxaan ugu baaqaynaa
maleeshiyaadka ku sugan Laascaanood inay ka waantoobaan falalka guracan ee ka
dhanka ah ciidamada Somaliland. Waxaan taageersanahay ka qaybgalka wax ku oolka
ah ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo imaatinka ergada odayaasha beelaha,
waxaanan soo dhawaynaynaa ballan-qaadkii Madaxweynaha Somaliland Biixi ee ahaa
inuu weftiga kula kulmo Hargeysa." ayuu raaciyay bayaanka Wasaaradda
Arrimaha Dibadda Mareykanka.
"Waxaa kale oo
aanu walaac ka muujinaynaa in doorashada madaxtooyada Somaliland uu dib u dhac
ku yimid tan iyo November 2022, taas oo aad uga fog wakhtiga ku cad dastuurka
Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa maamulka Somaliland inay dejiyaan jadwal cad,
ayna sida ugu dhaqsaha badan u soo dhameystiraan doorashada. Maraykanku waxa uu
diyaar u yahay in uu isticmaalo awoodaha ku cad qodobka 212(a)(3)(c) ee
sharciga socdaalka iyo jinsiyadaha si loo xaddido bixinta fiisaha masuuliyiinta
hadda ama hore ee Soomaaliya ama shakhsiyaadka kale ee la aaminsan yahay in ay
masuul ka yihiin, ama ku lug leeyihiin , wax u dhimaya geedi socodka
dimuquraadiyadeed Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland." ayaa lagu soo
gabagabeeyay bayaanka dowladda Mareykanka.